Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka oo Weli Xanniban

Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka oo Weli Xanniban

Muqdisho (Raxanreeb Online): Wadahadalkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ee dhacay 20-kii July ayaan kasoo bixin wax heshiis ah, hase yeeshee waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dhinacyada la isku soo dhaweeyo, loona abuuro jawi ku habboon in mar kale wada-hadallo loo fariisto.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa wada la-tashiyo ay la yeelanayaan dhinacyada kala duwan ee arrinta ku lugta leh, iyagoo labada dhinac u gudbiyay qoraal ku saabsan qaabka loo wajihi karo wada-xaajoodka xiga.

Qoraalka ayaa sidoo kale taabanaya cidda maamuleysa arrimaha doorashooyinka Federaalka, iyadoo la filayo in arrintaasi loo sameeyo guddi hawleed gaar ah. Sida muuqata, arrimaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada laguma darin ajandaha wada-hadallada la qorsheynayo.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa sidoo kale la tashanaya khubaro iyo siyaasiyiin kala duwan, iyagoo ka dhageysanaya aragtiyahooda ku saabsan qodobada mudnaanta leh iyo qaabka ugu habboon ee dhinacyada loogu soo bandhigi karo marka ay mar kale miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

Wadahadalladan ayaa xasaasi u ah jihada siyaasadda dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka, maamulka doorashooyinka Federaalka iyo sidii loo heli lahaa heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu wada qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.