Baraawe (Raxanreeb Online) Ilo ku dhow hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe ayaa laga soo xigtay inuu qorsheynayo in si degdeg ah loo dhiso xafiisyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baraawe, ama uu Muqdisho ka sameysan doono xafiis ku-meel-gaar ah oo uu howlaha maamulka ka sii wado.
Arrintan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib weerarkii saakay ka dhacay Baydhabo,isla markaana tallabadan lagu sheegay in ay tahay cabsi soo wajahday maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Sidoo kale hoggaamiye Aadan Madoobe, ayaa lagu dhaliilayay inuu ku guuldarreystay xaqiijinta amniga Baydhabo iyo inuu heshiis ama dib-u-heshiisiin la gaaro garabyada siyaasadeed ee ka aragti duwan maamulka.
Xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay Baydhabo ay ka dhaceen iska horimaadyo gudaha oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply