Tirada dadka ku nool Puntland ayaa la sheegay inay si weyn hoos ugu dhacday muddadii toddobada sano ahayd ee uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni hoggaaminayay maamulka Puntland, sida ay muujinayaan xog iyo tirakoobyo la soo bandhigay.
Magaalada Boosaaso ayaa sannadkan lagu sheegay inay ku nool yihiin 232,410 qof, iyadoo 124,893 kamid ah lagu tilmaamay dad barakacayaal ah, sida lagu xusay tirakoobkii 2024. Marka laga reebo dadka barakacayaasha ah, tirada dadka kale ee magaalada ku nool waxay noqonaysaa 107,517 qof.
Marka loo eego tirada magaalooyinka kale ee Soomaaliya, Boosaaso waxay ka dambaysaa Muqdisho oo lagu qiyaasay 4,399,430 qof, Hargeysa 1,593,542, Kismaayo 461,302, Burco 427,013, Baydhabo 420,281, Boorama 363,753, Wanlaweyn 314,824, Marka 299,906, Beledweyne 291,630 iyo Jowhar 257,210.
Xog kale ayaa tilmaamaysa in shirkadda PEPCO ay guddiga horumarinta magaalada Boosaaso ku wareejisay 19,823 saacadood bishii Abriil ee sannadkan, kuwaas oo isugu jira saacado adeegga korontada ah ee guryaha iyo goobaha ganacsiga. Haddii dhammaan saacadahaas loo qaato inay yihiin guryo degaan ah, waxaa laga qiyaasi karaa tirada dadka magaalada ku nool.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso in xogtaasi aysan si buuxda u daboolayn xeryaha barakacayaasha, taas oo ka dhigan in tirada guud ee dadka Boosaaso ku nool ay ka duwanaan karto qiyaasahaas.
Boosaaso ayaa horey loogu qiyaasi jiray inay sanadihii 2019 ku noolaan jireen dad gaaraya 615,000 ilaa 700,000 oo qof. Haddii hoos-u-dhaca la sheegay uu sii socdo, waxaa la saadaalinayaa in tirada dadka magaalada ay mustaqbalka si weyn u yaraato.
Garoowe iyo Magaalooyinka Kale
Hoos-u-dhaca dadka ayaa sidoo kale lagu sheegay caasimadda Puntland ee Garoowe, oo lagu qiyaasay inay ku nool yihiin 94,975 qof. Tiradan ayaa wax yar ka badan dadka lagu qiyaasay magaalada Ceeldaahir, oo lagu sheegay 61,629 qof.
Xogta korontada ayaa iyaduna loo adeegsaday in lagu sameeyo qiyaas ku saabsan tirada guryaha iyo dadka ku nool Garoowe. Sida xogta lagu xusay, sanadkii 2020 waxaa jiray ku dhowaad 13,000 saacadood oo koronto ah oo adeeg u ahaa guryaha iyo goobaha ganacsiga. Haddii saacadahaas loo qaato inay matalayaan tirada guryaha, iyadoo celcelis ahaan lix qof lagu qiyaaso guri kasta, tiradu waxay noqon lahayd ku dhowaad 78,000 qof.
Xaggee Bay Aadeen Dadkii?
Su’aasha ugu weyn ee arrintan ka dhalanaysa ayaa ah: Xaggee bay aadeen dadkii Puntland?
Haddii xogahan iyo qiyaasahan ay sax yihiin, hoos-u-dhaca dadka wuxuu u baahan yahay in si dhab ah loo baaro sababihiisa. Dadka waxay u guuri karaan sababo badan oo ay kamid yihiin shaqo la’aan, fursado dhaqaale oo xaddidan, amni, waxbarasho, adeegyo caafimaad iyo adeegyo kale oo bulsho.
Waxaa sidoo kale jirta arrinta barakacayaasha, kuwaas oo muddo dheer ku noolaa xeryaha ku yaalla magaalooyinka Puntland, iyadoo xaaladdooda nololeed aysan muddo dheer si weyn isu beddelin.
Maxaa La Gudboon Puntland?
Haddii Puntland doonayso inay soo celiso dadka ka guuraya magaalooyinkeeda, waxaa muhiim ah in xoogga la saaro abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, xoojinta amniga iyo dhisidda kaabayaal dhaqaale oo dadka u abuura fursado ay noloshooda ku horumariyaan.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la helo tirakoob rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo, si loo ogaado tirada dhabta ah ee dadka ku nool Puntland iyo sababaha keena guuritaanka.
Ugu dambeyn, haddii dadka Puntland ay si joogto ah uga guurayaan deegaannadooda, arrintu ma aha oo keliya tirokoob hoos u dhacaya; waa arrin taabanaysa dhaqaalaha, bulshada, mustaqbalka magaalooyinka iyo awoodda maamulka ee adeegyada dadweynaha.
Su’aashu sidaas darteed waxay u baahan tahay jawaab cad: Maxaa sababay in dadkii Puntland ka guuraan, maxaase la sameyn karaa si loo soo celiyo?
W/Q: Ustaad Nasruddiin M. Axmed

Leave a Reply