Taliyaha Xoogga Dalka oo Ankara Booqday

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ankara Booqday

Ankara (Raxanreeb Online): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, halkaas oo ay ku sugan yihiin dalka Türkiye.

Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Türkiye, Danjire Fathudiin Cali Maxamed, iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah hawlaha iyo kulamada wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka wado dalka Türkiye, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan arrimaha amniga iyo difaaca.

Leave a Reply

Your email address will not be published.