Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota!
W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Mareykanka qaxootinimo baan ku nimid waana laynagu soo dhoweeyay!

Minnesota waa gobolka ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed ee u soo haajiray dalka Maraykanka, waxaana lagu sheegaa 100 kun ilaa 107 kun mujtamac gaaraya oo Soomaali ah inuu deegaan u yahay oo lagu soo dhoweeyay. Mujtamaca intaas la eg, waxay runtii soo dhoweyn iyo qaabilaad aad u wanaagsan ay ka haleen isla mar ahaantaasna fursadaha nolosha la qaybsadeen guud ahaan dadkii Mareykanka ahaa ee ay yu yimaadeen iyo gaar ahaan shacabka gobolka Minnesota ee ay ku soo dageen. Soomaalida ku dhaqan Minnesota, waxay iyagana noqdeen dad is xil qaama laguna tilmaami karo inay kaalintoodii ka soo baxeen, marka laga eego dhaqsaha kobaca ay sameeyeen, xagga bulshada, wax-barashada, shaqada, iyo fahamka dhaqanka dalka, waa suuro gal in weli waxyaabo badan ay tebiyaan marka ay timaado baahidooda gaarka ah ee la xiriirta, dhaqankooda, iyo nidaamkii nololeed ee ay ku soo koreen, ama ay ka yimaadeen ee dalkoodii, iyadoo waliba ay ku dadaaleen inuusan lumin qaab nololeedkoodii ku dhowaad nus qarni oo ay hadda joogaan, taasoo marka aad fiiriso magaalooyinka ay kaga noolyihiin Gobolka Minnesota aad ku arkayso xusul-duubka iyo dadaalka ay ugu jiraan arrinkaas, iyagoo dhinnaca kalana nolosha la qaybsanay dadka soo dhoweeyay. Waxaa qasab ah meel walba oo bulshada joogto inaad ku aragto ama aad ka heleyso, misaajiddo, maqaayado cunto Soomaali lagu sameeyo, dugsiyo qur’aanka ilmaha loogu dhigo, dukaamo dharka ama cuntada lagu iibinayo ay yihiin kuwii Soomaalidu lahayd.

Waxaa iyadana xusuid mudan in wax barashada caamka ah ee dalka ka jirta ay qayb ka yihiin oo ilmaha ay aadaan iskuullada dad-weynaha, (public school) waxaa kale oo jira iskuullada dad- weynaha ee madaxa bannaan (public charter schools) oo iyaguna ah qayb kale oo ka mid ah iskuullada dad-weynaha oo loo oggolaaday inay furtaan, laakiin ku shaqeeya heshiis shaqo oo gaar ah, heshiisyadaas oo u oggolaanaya madax bannaani ay muhaajiriinta ay Soomaalidu ka midka tahay ay ku maamulaan waxyaabaha qarkood sida manhajka iyo qaabka wax-barista ilmaha, taasoo markaas xoogaa suuro gal ka dhigta in bulshooyinka soo haajiray ama laga tiro badanyahay ay helaan hab ay ku ilaashadaan inta awoodooda ah aqoonsigooda ummadeed iyo dhaqankooda.

Waxaa arrin lagu faani karo ah in badan oo ka mid ah dhallin-yarada mujtamaca Soomaliyeed ee qaxootinimmada ku yimid dalka Maryakanka inay waalidiintu kula dadaaleen inay ilmaha baraan diintooda iyo dhaqankoodii wanaagsanaa ee hiddihii awoowayaashood, hasa ahaatee mar kasta arrintaas waxay ahayd mid u baahan dadaal dheeri ah iyo in xoog badan la gesho, taasi macnaheedu ma aha in waalidku ka gaabiyay ama aysan gelin muruq iyo maskax, waxaase jira cadaadisyo dhowr ah oo is biirsaday oo arrintaas inta badan dib u dhac ku haya, sida; nidaamka shaqada iyo shaqaalaha, oo waalidiinta badankood dakhliga ay ku tiirsanyihiin uu ka yimaado shaqo ay ka qaataan mushaar, in badan oo ka mid ahna ay ka shaqeeyaan ama qabtaan shaqooyin mururq-maal oo ay addimmadooda isticmaalayaan, taasna waxaa ka dhasha in dadaalka waalidku uusan la socon karin xawliga ay xaalladaha
baahiyada ilmaha gaarsiisanyihiin, iyo inuusan helin waqti ku fillan baahida waalidnimo ee uu ilmuhu dareemayo, ama koriimo ahaan ay tahay inuu waalidka wax ka barto.

Arrinta kale ee iyadana saameynta weyn leh waxay tahay wax-barashada maadiga oo intii badaneyd waqtiga maalinimo qaadata, isla mar ahaantaasna sabab u noqotay inaan waqti ku filan loo helin dugsiga qur’aanka, iyo kullano bulsho oo qabsooma ama qoysku uu helo waqti ku fillan si uu sheeko u wadaagi karo iyadoo waliba wax-barashada maadiga ah ay tahay mid qasab ah oo ilmaha aan laga reebi karin ama uusan diidi kareyn ilaa uu dugsiga sare ka dhameeyo, waxaana mararka qaarkood dhacda in ilmo diiday inay iskuulka aadaan lagu qoro ciidamo booliis ah oo subax kasta iskuulka geeya. Waxaa xusid mudan in dalka laga dhaqan geliyay 2002-2015kii, Qaynuunka ahaa No Child left behind ma jiro ilmo gadaal lagu dhaafayo! Sidaasoo kale waalidiinta Soomaaliyeed waxay dadaal weyn ku bixiyeen in ilmaha aysan ka harin wax-barashada maaddiga ah, waxayna gaarsiiyeen heerarka ugu sareeya ee heer jaamacadeed, waxaana Alle mahaddii ah in maanta laga helayo dhallin-yarada bulshada Soomaaliyeed qeyabaha kala duwan ee bahda aqoonta. Arrintan ayaa waxaa inta badan suuro geliyay xil-kasnimmadaiyo dhaqanka wanaagsan ee aabbaha iyo hooyada Soomaaliyeed iyo soo dhoweynta nidaamka siyaasadeed ee wax-barashada Mareykanka ee ay qaybta ka yihiin.

Kaalinta wanaagsan ee dugsiyada qur’aanka, iyo dadaallada misaajidda!

Marka aad eegto kaalinta uu dugsiga qur’aanka ku jiro iyo meesha uu u buuxiyay ilamaha Soomaalida ah ma aha mid aad qiyaastaada iyo malahaga oo keliya aad ku cabbiri karto, toddobaadkii waa labo maalin oo keliya, saacad ahaanna waa 6saac. Macallimiinta dugsyada qur’aanka dhiga, waxaa la oran karaa 85% wax ku dhow bay ku guuleysteen inay ilmaha yar ku ilaaliyaan dhaqanka wanaagsan, waxaana intaas dheer oo aysan dad badan fahamsaneyn ilmaha joogistooda dugsiga saacadahaas kooban ee todobaadkii oo dhan mar keliya ah, marka laga reebo barashada qur’aanka iyo diinta oo iyagu ah muhimadda dugsiga loo geeyay, waxay ilmaha kullanka ay iyaga kulmayaan ka helayaan inay dareemaan jiritaanka mujtamac ahaan iyo nuxurka bulshanimo ee ay baahidiisa qabaan si ka duwan marka ay joogaa iskullada iyo munaasabadaha iyo meelaha fagaarayaasha ah. Waxaa dhanka kale
ilmuhu baranayaa dhaqan Islaami ah, oo ku xiriirnaya ardayda kale ee dugsiga dhigata. Waxaa sidaasoo kale ilmuhu ka helayaa dhiiranaan iyo inuu leeyahay mujtamac uu isku haleeyo oo kaalinta uu uga baahanyahay u buuxin kara isla markaasna tirsanaya kaalintiisa, wuxuu yeelanayaa xiriir saaxiibtanimo oo ku tiirsan dhaqankiisa naftiisana kalsooni ay ku qabto oo uu u yaqaan inay aabbihii iyo hooyadii leeyihiin. Waxaana talo wanaagsan ah in dugsiga qur’aanka ilmaha lagu baro qorista iyo aqrinta iyo ku hadalka Af-Soomaaliga, waana arrin sahlan oo la sameyn karo, uga yaraan haddii ardayga la siiyo waqtiyo gaar ah oo ka baxsan xilliga Qur’aanka ama hadba sida markaas u haboon dugsigaas.

Dugsiga qur’aanka faa’idooyinka laga helay waxaa laga garan dhaqanka guurka iyo xiriirka dhallin-yarada ka dhexeeya, waxaa laga garan karaa xiriir waalidka iyo dhallinta ka dhexeeya, waxaa laga garan karaa hufnaanta iyo daacadnimmada dhallinta ka muuqda, mararka qaarkood dugsiga qur’aanka waxaa la oran karaa waa naadiga dhallin-yarada ay isku arkaan. Waxaa iyadana xusid mudan in dhaqammadaas aan ka sheekeynay dabeecad ahaan ay ka dhashaan kulummada dhallin-yarada marka ay helaan dabeecad ahaan xaalad midda dugsiga oo kale ah oo dhaqan islaamnimo ah.

Dugsiyada Qur’aanka, waxay kale oo ku ammaananyihiin intooda badan inaysan ardayda agoonta ah ee dhigata ee aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta wax-barashada aysan waxba kharja ah ka qaadin oo lacag la’aan ay wax ku baraan, sidaasoo kalana ay jiraan qoysas dan-yar ah oo iyagana aan ilmahooda waxba laga qaadin, kaalintaas deeqsinimmada ah waxay gacan ka geysatay in si dhib yar oo aan walaac lahayn waalidka uu ilmihiisa ugu helo wax-barashadii uu u baahnaa ee diinta iyo dhaqanka, waxaa iyadana la ii sheegay inay jiraan dad aan badneyn oo ganacsato ah aan helin magacyadooda inay qaar ka mid ah dugsiyada ka kabaan kharashaadka adeegyada.

Ardayda roon-roon waa inay arday sii ahaadaan!

Waa dhibaato wax laga qaban karo, mana aha in ilmihii wax-barashadoodii lagu soo tacbayay ay noqoto Hal Bacaad Lagu Lisay! Sida webiyadii SHabeelle iyo Jubba ay ku soo dhammaato meel aan waxba laga dheefeyn!…Misaajidda iyo Dugsiyada Qur’aanka, waxaa looga baahanyahay in ardayda oo dhan ay muddada ay baranayaan Qur’aanka aysan xaddidin da’da ilmaha, oo ardayga loo oggolaado intii uu doono wato barashada Qur’aanka. Sidaas si la mid ahna aan ardayga dhaqankiisa oo xummaado iyo edeb daro ama dhago-adeyg, iyo inuu is bido inuu weynaaday aan looga eryin dugsiga. Waa laga yaabaa in dugsiyo aan badneyn ay leeyihiin nidaam wax barasho oo da’ kasta oo ka mid ah mujtamaca ay ka
helayaan heerka aqoonta ay u baahanyihiin, hasa ahaatee waxaa waalidiin badan dhibaato ku noqotay in ilmaha Dugsiyada Qur’aanka marka ay xoogaa da’dooda soo roonaato waliba iyagoo meel fiican ka soo gaaray barashadii qur’aanka isla markaasna wax-barashadii raba uu dugsiga ku dadaalo inuu ardayga isaga tago dugsiga iyadoo aan si rasmi ah loogu sheegeyn ama aan loola bareereyn. Sida aan ku ogaanay xogaha aan ururinay ayaa waxay cadeynayaan in arrintaas ay tahay xaqiiqo jirta, sababtuna waxay tahay in ardayda qaarkood marka ay soo weynaadaan ay la soo baxaan dabeecado adag oo aysan macallimiinta wax ku bari kareyn sida; inuusan waxba ka maqal macallinka, inuu la murmo, inuu diido wixii uu macallinka faro, taasoo ay ka dhalato baqdin ah inay saameyn ku yeelato ardayda yar-yar oo ay kaga daydaan. Mar haddii uu xalka sidaas yahay waxaa loo baahanyahay dugsiyada inay ka fekeraan
tallaabo kale oo aan ahayn in ardayga marka uu soo weynaado dugsiga laga eryo, tallaabooyin la socon kara sida ardaygu u fekerayo iyo dhaqanka ardayga Mareykanka jooga ama ha ahaado mid qur’aan baranaya ama ha ahaado mid wax kale baranaya, isla markaasna ay la yimaadaan talo iyo siyaasad uusan ardayga dugsiga uga didin dugsigana siinaysa awood u suurto gelisay inuu wax-barashadiisa dhameyst, macallimiintana u sahleysa inay wax baraan.kara sida ardaygu u fekerayo iyo dhaqanka ardayga Mareykanka jooga ama ha ahaado mid qur’aan baranaya ama ha ahaado mid wax kale baranaya, isla markaasna ay la yimaadaan talo iyo siyaasad uusan ardayga dugsiga uga didin dugsigana siinaysa awood u suurto gelisay inuu wax-barashadiisa dhameyst, macallimiintana u sahleysa inay wax baraan.

Waxyaabaha muhiimka ah ee looga baahnyahay inay dugsiyada ka fekeraan si ardayga marka uu soo weynaado wax barashadiisa u wato waxaa ka mid ah in ardayga marka uu soo weynaado, loo abuuro xaalad uu mas’uuliyad ku dareemayo, taasoo la bilaabaneysa marka ay ka soo muuqdaan dabeecadahaas aan horay u soo sheegnay, sida iyadoo marka uu casharka u dhammado isla markiiba loo diro inuu caawiyo ardayda yar-yar, ama laga dhigo Kabiir gacan siiya macallinka. Waxaa sidaas oo kale la soo qaadan karaa nidaamka iskuullada oo ah inuu dugsigu yeesho koox xagga dhaqanka iyo aadaabta qaabilsan, qof arrimaha bulshada qaabilsan (Social Worker) kaasoo marka ardayga uu dhego adeygo ama uu macallinka iyo kooxda dhaqank iyo adaabta isku soo taago, ama uu ku af celiyo isaga loo geynayo

ardayga, kaasoo markaas daraasadeynaya dabeecadaha iyo xiriirka bulsho ee ardaygaas oo u uku jiro xiriirka uu la leeyahay adayda kale, noloshiisa guriga, haddii ay jirto baahi gaar ah…Waxaa kale oo qasab ah inuu dugsi qur’aanku yeesho La-Taliye ardayda ka la taliya sida uu u baran karo diinta, Qur’aanka, iyo waxyaabaha ka caawin kara (Counsellor) kuwaasoo ay qasab tahay inay yihiin dad u taba-baran shaqooyinkaas oo ay u dheertahay aqoon diineed iyo dhaqan wanaagsan, oo faham qoto dheer u leh dhaqanka ilmaha iyo xaaladaha ku meeran.

Marka ay timaado xagga akhlaaqda iyo adaabta ardayga soo weynaaday ee 15-20 jirka ah looga baahanyahay, si ardaygaas ugu hoggaansamo dhaqanka iyo dabeecada laga rabo dugsiga, oo qur’aanka barashadiisa uu u wato, waa in la helo qof marka hore fahmi kara baahida ardayga, iyo dabeecadaha uu ku barbaaray ee ka dhaadhacsan. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ilmaheena in la baro ay tahay waxaa ugu horeeya Waalid Muxuu yahay?! Marar badan waxaad arkeysaa dad leh, ilmaha ha loo sheekeeyo, waqti ha la geliyo, ha lala socdo, cunto ha la siiyo…. DHammaantood waa taloooyin wanaagsan oo runtii waa kaalin wax ku ool ah,dhinaca kalana ka mid ah xilka waalidka, laakiin waxaa xaqiiqdu ay tahay ilamaha inaysan intaas ku fahmi kareyn macnaha waalidnimmada iyo in loo diyaarinayo sidii ay u yeelan lahaayeen dhaqan wanaagsan oo guntiisu tahay Xil-Kasnimo, sababtu waxay tahay intaas waa inta
caruurta Mareykanka ah ay dhaqan ahaan ogyihiin una heystaan in waalid loogu yahay, ama ay tahay xuquuq uu qaynuunka dalka siiyay, oo haddi uusan waalidka u sameyn ay dowladda xil iska saareyso, oo marar badan baa waxaa dhacda in cunuggu uu u dacwoodo macallinkiisa iskuulka “Hooyo waa I caaysay!

Aabbe ilama hadlo! Meelaha lagu ciyaaro layma geeyo! Aaabbe xaasid buu igu yahay!” taasi waxay ku tusaysaa ardayga inuusan aqoon macnaha waalidnimo ee dhaqankeena, ee khuseysa xuquuqda waalidka iyo ilmaha, iyo in ilamaha ay tahay inuu baari u noqdo waalidka, iyo inay tahay ilamaha inuu qaan gaaro isagoo kaalinta xilkiisa garanay. Waxaad xusid mudan in ilmaha ay waxyaabo badan ka bartaan iskuulka, ilaa heer gaarsiisan inay turjuman karaan eraydada oo waliba kuwooda roon-roon ee iskuullada sare ama xtaa dhexe ay qaynuun ahaan u qeexi karaan. Marka qofka Arrimaha Bulshada u qaabilsan dugsiga, iyo midka La-Taliyaha ah, waa inay yihiin dad aad u yaqaan diin ahaan iyo dhaqan ahaan arrimaha qoyska iyo barbaarinta ilmaha, oo ay gaarsiisanyihiin inay diinta ku dabaqi karaan aqoonta maadiga iyo taba-barrada ay ku soo qaateen xirfadahaas.

Waalid

Waxaa xasuus mudan oo in maanka lagu hayo tahay in ilmaha loo macneeyo waalid waxa uu yahay. Waxaa ilmaha loo sheegaa waalidka baari u noqo, laakiin waxaa ka horeysa inuu ilmuhu fahmo oo dugsiga lagu baro macnaha waalid leeyahay, oo looga sheekeeyo dhibka ay hooyadu ka soo martay, sida loo soo koriyay, marxaladaha koriimmadiisa ay soo martay, iyo dadaalka uu waalidku ka soo maray. In ilmaha la baro Alle raali ahaanshihiisa iyo inuu ku jeclaado inay ku xirantahay baarinimmada waalidka, in la baro oo la xasuusiyo sida wanaagsan ee ay u soo koriyeen iyo dadaalka ay ka soo mareen, in ilmaha loo sheego oo lagu baraarujiyo inay waalidkood saaxiib la noqdaan oo soo dhoweystaan,oo uga
sheekeeyaan waxyaabaha ay ku fekerayaan, in la fahamsiiyo cannaanta iyo qeyllada inaysan cadaawad (sida ay yiraahdaan MEAN) ahayn, mararka qaarkoodna ay tahay dhaqan ka jira dalkii laakiin waalidka uu jecelyahay ilmihiisa, iyo in baarinimmada waalidka ay tahay isku haynta xoogga guriga iyo in walaalaha ay gaaraan nolol wanaagsan. DHammaan weedhahaas waa in logu celceliyaa oo mar kasta la maqashiiyaa. Casharrada noocaas ah waxaa ku haboon bixintooda qof jecel oo u jajaban u sheekeynta iyo wax ka dhaadhicinta ilmaha, isla markaasna adeegsan kara luuqad taabanaysa qalbiga ilmaha. Sidaas si la mid ahna waa in la baraa caasinimmada iyo waalidka lala murmo ama lagu af celiyo ciqaabaha iyo
cirib xummada ka dhalaneyso oo ay ugu horeyso burburka iyo dhibaatooyinka qoyska. Waxana wanaagsan, inaan la badin ka sheekeynta caasinimmada haddii aysan jirin munaasabad ama dhacdo la saxayo. In ilmaha la baro qiimaha iyo waxa uu waalidka u yahay ilmihiisa, waxay xoojinaysaa kaalinta uu waalidka ka qaadan karo wax-barashada iyo ku barbaarinta dhaqanka wanaagsan ee ilmaha.

Ilmaha macanaha waalidnimo marka uu sidaas u fahmo, oo uu garowsadao mudanaanta iyo qiimaha uu waalidku leeyahay, ayuu waalidka inuu u sheekeeyo, wax u sheego, waqti geliyo, meelo u wad-wado ilmuhuna ka barto waalidka ay suurto gal tahay. DHinaca kalana waxaa ilmahu helayaan kalsooni iyo inay ku dhiirradaan inay waalidka la soo fariistaan, wax weyddiiyaan, wax u sheegaan, taas macnaheeda waxaa weeye, wax u sheegista ilmaha waxaa ka horeeya in ilmaha marka fahamsanyahay Aabbe waxa uu yahay iyo Hooyo waxa ay tahay, iyo waxa ay isaga u yihiin, waana in qofka Socialworker ah iyo qofka Counselor-ka is moodsiin ilmuhu inay macno ahaan iyo dhaqan ahaan garanayaan Waalidnimmada. Waa
in la baraa waalid kale oo xaq ku leh inuu jiro; adeerkii, abtigii, eeddadii, habr-yartii, awoowe, ayeeyo iyo in xiriirka walaalaha ku dhisanayahay is ixtiraam iyo in qofba midka uu ka weynyahay talada uga dambeeyoiyo guud ahaan rixinimmada.

Dugsiyada qur’aanka markay iskuullada fasax yihiin

Waxaa arrin dhiiri gelin mudan ah in Dugsiyada Qur’aanka ay ka fekeraan diyaarinta barnaamijo muddada seddexda bil ee dhow-dhow ah ee ardayda iskuullada fasaxa ka yihiin, xilligaas waa fursad muhiim ah oo ardayda loo sameyn karo in labadii maalmood ee dugsiga ay ardayda imaaneysay ee Sabtiga iyo Axadda loogu daro maalin ama labo maalin oo kale, oo waqtiga barashada Qur’aanka xoogaa la kordhiyo iyada oo haddii qiime lagu dariyana uusan noqon qiimahaas mid macno dila ujeeddadii barnaamijka ee ahayd in ardayda waqtigaas looga faa’ideeyo, waana in dugsiga iyo macallimiinta ay huraan wax weyn. Waxaa kaloo dugsiga ama misaajidka uu sameyn karaa inay bilaabaan casharo ilmaha loogu talo galay oo habeen kasta ama maalin kasta ka baxa misaajidka ama hadba sida ugu badan; seddex habeen/maalin ama afar habeen/maalin hadba intii awoodu oggolaato. Waxaa kale oo dugsiyadu sameyn karaan inay ilmaha u diyaariyaan waxyaabo la xiriira xagga ciyaaraha iyo tartamo daraasaadka Islaamiga ah oo loo qabto dugsiyada. Barnaamijadan waxaa gacan ka geysan ganacsatada, iyo waalidiinta dugsiga. Dugsigu waa inuu la yimaadaa dabeecadda xilliga kuleylaha (Summer-ka) ah ay ilmuhu garan karaan inaysan ahayn xilligii qaboobaha laakiin ku salaysan dar-dar gelinta wax-barashada Islaamiga ah.

Iskuulka iyo ardaygeenna!

Marka laga hadlayo iskuulka waa qaybta ugu muhiimsan ee saamaeynta muuqata ku leh ardayga aan dooneyno inaan laga baadiyeyn diintiisa iyo dhaqanka guriga iyo bulshada. Sidaa aawadeed, waa inaan marka hore ka fekernaa oo aan isla fahamnaa in ilmahan yar ama ardaygan dhallin-yarada ah uu dhexda uga jiro dhaqamo badan oo kala duwan oo ka yimid guryo kala dhaqan duwan, oo mid kasta uu leeyahay saameyntiisa xumaan iyo sammaanba, dhaqammadaas faraha badan ee uu dhaqankeena ka midka yahay waa culeys faro badan oo uu cunugga kala kulmayo cadaadis weyn oo dhinacyo badan ah, oo marar badan uu dareemayo inay is diidanyihiin dhaqanka gurigooda.

DHaqammadaas oo in badan turunturooyin ku noqda inuu si buuxda u qaato dhaqanka bulshadiisa iyo qaab nololeedkeeda. Taasi macnaheeda ma aha ama ulama jeedno in iskuulku uu xumeynayo dhaqanka ardayga, waxaanse ula jeednaa in iskuulka uu yahay meesha ugu badan ee ardaygu uu waqtigiisa inta badan uu maalin kasta ku qaato, isla markaasna uu kula kulmayo bulsho baaxad weyn oo aad uga tiro badan bulshada uu kula kulmo Dugsiga Qur’aanka iyo dhaqamo tiro badan oo kala duwan, iyo saaxiibo aysan kala maarmeyn inta ay wada joogaan iskuulka, oo ay wada hadlayaan, sheekeysanayaan, oo midba kan kale wheel u yahay, bulsho u yahay, oo ay isku qasbeyso inay isu yihiin bulsho ay isku hayso baahida bulshanimmada, oo uu isku qasbayo rabitaan ay hoggaamineyso maaweellada caruurnimo iyo ciyaarta, iyo dhallin-yaranimmada ee ay u baahanyihiin bulsho ay la qaybsadaan.xiriirka noocaas iyo wada joogista, wada ciyaarista, iyo wada sheekeysiga, heerkaas caruurnimmada ah, waxay gudbinayaan farriimo dhaqan oo arday kasta uu u qaadanayo si toos ah ama si dadban oo ay la koraan. Waxaana dhacda inta badan, in marka ugu horeyso uu ilmaha ka tago afkii u gaarka ahaa bulshadiisa, waana calaammadda ugu horeysa uguna muhiimsan ee caddeynaysa in ilmuhu uu dhaqankiisii ka tegay ama intiisii badneyd ka lumay, waayo afka wuxuu ku dhisanyahay macneynta dareenka, sharafta, ceebta, fiicnaanta, xummaanta, murugada, farxadda, iyo magacyada, iyo tilmaamaha iyo sifayaasha intaas aan soo sheegnay oo dhan, oo sifahooda uu macneynayo dhaqanka bulshada.

Ilmaha marka uu lumiyo afka, waxaa marka ugu horeysa ku adkaaneysa inuu fahmo nooca qoyskiisa, waxaana bilaabaneysa inay ku adkaadaan dabeecadaha dhaqan ee bulshadiisa, sidaas oo kale waxaa ku adkaaneysa inuu garto qiyaasta inta uu la egyahay dareenka heerarka kala duwan ee murugada iyo farxadda dhacdooyinka iyo munaasabadaha bulshada dhaqankeeda ah, wax kasta oo bulshadiisu ku dhaqantana wuxuu u arkayaa wax Duwan! Oo ka duwan waxa la quman Ilaa uu marka dambe si uu ogyahay iyo si uusan darnsanaynba uu bilaabo inuu ka durko dhaqanka bulshadiisa. Arrintan waa walaac, waa walaac ay mar kasta wajahaan bulshooyinka ka haajira dalalkooda, waana arrin ay dhammaan bulshooyinka u soo haajiray ama qaxootinimada ku soo galay Mareykanka sida Soomaalida ay dareemayaan isla markaasna cabsi weyn ku haya oo ay uga baqayaan inuu tirtirmo dhaqankooda iyo
aqoonsiga qowmiyadeed ee ay leeyihiin jiilasha ay ka tagayaan oo markaas uu ku dhaco wareer iyo inuu ka lumo dhaqankii ilaalin lahaa jiritaankooda, sharaftooda iyo haybtooda qowmiyadeed.

Waxaa inta badan suuro gal ka dhiga in ilmaheena dhaqankooda laga saad caleeyo, waxaa ugu muhiimsan waqtiga uu bulshadaas dhexdeeda ku qaadanayo ee uu iskuulka joogo oo aad uga badan waqtiga uu bulshadiisa dhex joogo, oo wuxuu iskuulka dhigtaa 5 maalin (Isniin-Jumucah) maalin kastana ugu yaaraan 6 saacadood ama 6saac iyo bar ama ugu badnaan 7 saacadood ayuu joogaa, waqtigaas waa midka iskuullada hoose iyo dhexe, iskuullada sare waqtigoodu waa 7saac ilaa 8 saac, waxayna iskuullada badankood bixiyaan saacado dheeri ah, oo waqtiga caadiga ah ee wax-barashada marka uu dhammaado ka dib ah (After School) 2saac ilaa 3saac, waxaana sidaas ku dhammaada waqtigii iftiinka maalinimo oo dhan, oo saacadaha soo haray ilmuhu diyaar maskaxdooda uma aha wax kale oo aan ahayn nasasho, waxaana xusid mudan in isla xilligaas uu waalidkuna waqti u hayn ilmihiisa oo waalidkii habeenkii shaqeynayay uu markaas uu hurdo ka soo kacay oo shaqo isu diyaarinayo, midkii subaxnimmadii shaqeynayeyna uu isaguna markaas shaqadii ka soo baxayo oo uu daallanyahay. Wuxuu ardayga markaas si buuxda uga mid noqnayaa dhaqanka uu la joogo maalin kasta, waliba xilliyada u jirkiisa ugu firfircoonyahay, wuxuuna ka qaadanayaa guud ahaan dabeecadaha dhaqan ee qofka noloshiisa ku dhisantahay, tusaale ahaan; ilmaha iskuullada dhigta, subaxdii waxay ka quraacdaan iskuulka, sidaasoo kalana waxay qadada ka cunaan iskuulka, ilaa uu marka dambe uu ka go’o cuntada guriga laga cuno ee hooyadu sameyso! Wuxuuna sidaas uga go’ayaa dhammaan cuntada guriga laga sameeyo.

Cunugga wuxuu ku weynaanayaa isagoo cunto gaar ah oo ka duwan middii gurigooda yeeshay, taasina waxay keeneysaa inay meesha ka baxdo inay ilmihii iyo waalidkii miiska cuntada soo wada fariistaan, ama goob keliya ku wada cunteeyaan, waxaana halkaas ku naafoobay dhaqankii is araggii xorta ahaa ee maalinlaha ahaa ee ay sida joogtada ah ugu kala warqaadan lahaayeen waalidka iyo caruurta miiska dushiisa, oo mararka qaarkood ilmaha cabashadooda ugu soo gudbin jireen waalidka, ama waalidka uu kula kaftami jiray ilmihiisa, ama u adeegsan jiray fursad uu ilmaha uga digo khataro uu arko, ama uu talo ay u baahanyihiin ku baraarujiyo. Waxaa taas ardayga u bedela cuntooyin uu suuqa ka soo cuno isagoo dusheeda kula sheekeysanaya arday sidiisoo kale soo nacay cuntadii gurigooda, tani waxay tusaalo buuxa oo muuqda oo la arki karo ay u tahay sida dhaqammada kale ee guriga ay si dhib yar ugu tirtirmi karaan, ilmaha ama ardaygaas dhallin yarada ah sida uu uga tagay cuntadii bulshadiisa si la mid ah buu uga tegayaa dhaqamo iyo hab nololeed bulshadiisu leedahay oo qiimo ugu fadhiya.

Nooca Iskuulka

Mar haddii ay xaalladdu sidaas tahay, waxaa lama huraan ah in waalidku uu ka fekero nooca iskuulka uu ilmihiisa geynayo. DHammaan iskuullada dalka Mareykanka ayaa siyaasadda wax-barashadood iyo manhajkooda isku mid yahay, waxayse ku kala duwanyihiin nidaamka maamulka iyo hadba iskuulkaas sida dhaqammada ugu kala badanyihiin, sidaa daraadeed waalidka waa inuu si buuxda oo taxaddar ku jiro uu cunuggiisa ugu dooraa iskuulka uu geynayo. Aalaaba gobollada dalka Mareykanka waxaa laga helaa seddex nooc oo iskuul.

1- Public Schools ama sida aan ugu yeerno Iskuulada Dad-Weynaha: Iskuulka noocaan ah waxaa uu si buuxda u hoos tagaa oo lacag siisa dowladda, iyada ayaana ilaalisa oo la socota wax-barashadiisa iyo siyaasadda lagu maamulayo. Wax-Barashadiisu waa lacag la’aan, wuxuuna raacaa siyaasadda iyo nidaamka wax-barasho ee hadba gobolka uu ku yaal. Iskuulkan ma laha adeegyo hab nololeed ay bulsho si gaar ah u leedahay tix gelinaya, wuxuuse ku dhisanyahay adeeg guud oo mid ah oo lagu saleeyay bulshada ugu badan Mareykanka, wax kastana waxay ku salaysanyihiin dhaqanka iyo nidaamka guud ee wax-barashada dalka. Iskuulkan ayaa ka bilowda fasalka xannaannada caruurta ilaa fasalka 12aad (K-12) iyadoo uu iskuulka mar kasta ardayda ka qaadanayo deegaanka uu ku yaal, oo ardayda wuxuu ku qaadanayaa cinwaanka deegaankooda inuu yahay deegaanka uu iskuulka ka tirsanyahay.

2- Public Chaarter Schools ama Iskuulada Dad-Weynaha ee Madaxa Bannaan: Iskuuladan noocaan ah oo iyagu hadda muddo 30 sano wax dheer ka dhaqan galay Mareykanka, marka laga reebo 3 maamul goboleed oo kala ah Nebraska, South Dakota, iyo Vermont oo aan iyagu lahayn ama xeerkooda uusan oggoleyn iskuullada noocaas ah. Wuxuu hoos tagaa dowladda, inta bandanna iyada ayaa lacag ku bixisa, iyadoo qayb ahaan ay tahay inay bulshada kabto, wuxuuna leeyahay nidaam is-maamul oo madax bannaan oo aan hoos tegeyn nidaamka iskuulada dad-weynaha ee gobolkaku yaal. Waxay leeyihiin nidaam aad u wanaagsan oo fududeynaya manhajka wax-barashada, qaabka wax-barashada, iyo guud ahaan dhaqanka iskuulka. Puclic Charter Iskuul, waxaa furi kara hal qof, ama koox, ama haddii ay Hay’adda Maamulka Iskuullada Dad-Weynaha ee Madaxa bannaan ay dareento baahi loo qabo iskuul noocaas ah iyada ayaa fureysa. Waxaa iskuullada noocan laga khafiifiyay xeerarka waaweyn ee gobolka ee la xiriira sida uu u shaqeynayo iyo maamulka, waxayse xeerarka kala mid yihiin iskuullada dad- weynaha (Public Schools)

3-Iskuullada Gaarka ama Private-ka ah: Iskullada noocan ah waa iskuulo sida magacabu tilmaamayo gaar ah oo aan dhaqaalo ahaan ku tiirsaneyn dowladda ama aan lagu maal gelin canshuurta dadka laga qaado, waxayna ku tiirsanyihiin dhaqaalaha ay ka helaan ardayda wax baristooda, waxayna deeqo kale inta badan uga yimaadaan meelo gaar ah oo ay ka mid yihiin bulshada ardayda wax ku barata, iyo kaalmooyin kale, maxaa yeelay iyagu kama tirsana nidaamka guud ee iskuullada hoos taga dowladda isla markaasna aylacagta siiso, waxayna bixiyaan wax-barasho faa’idooyin gaar ah leh iyo qaab dhismeed haboon. Aalaaba Iskuullada Gaarka ah waxay ku sameysmaan baahi gaar ah oo ay dareemaan qayb ka mid ah bulshooyinka kala duwan ee dalka ku nool, waxaana fura qof ama urur, inta badanna waxay xiriir la leeyihiin iskuulladaas nidaamyo diineed, ama dhaqan gaar ah, tusaalaha ugu fiican ee Minnesota waa Iskuulka Amal, waana iskuul wax barashadiisu aad u wanaagsantahay, ilmahana lagu baro Qur’aanka, iyo afka carabiga. Iskuullada Gaarka ah, sida uu magaca tilmaamaya waa in lahaanshihiisu gaar yahay, waxaana shaki la’aan inay jirto sabab gaar ah oo cidda furtay ay u dooratay inuu iskuulkaas noqda iskuul gaar ah oo ay ilmahooda u doorayaan, taasoo noqon karta; ilaalinta dhaqankooda, wax-barasho tayo sareysa, diin…iyo wixii la hal maala. Waxaa loo baahanyahay waalidka marka hore inuu yaqaan dabeecadaha iskuulka uu ilmaha geynayo, ama xataa uu kala tashado dad uu is leeyahay talo ayeey kugu kordhin karaan inaad cunuggaaga u hesho iskuul ku haboon noloshiisa qofeed isla markaasna uu ka helayo aqoonta uu u baahanyahay, waxna aan u dhimeyn dhaqan ahaan, arrintan waa muhiim marka laga fiiriyo shakhsiyadda ardayga iyo horumarka aqooneed ee uu ardayga sameynayo, waliba marka aad ka soo jeeddo bulsho laga tiro badanyahay, dhaqankeedana uu gooni ka yahay bulshada inteeda badan. Waalidku waa inuu ka fekeraa in iskuulka uu aqoonta ugu xilanayo uu marka hore yahay mid aan himmadda ardayga wax u dhimeyn, waxaana talo aad u wanaagsan ah in mar kasta waalidku iskuulka uu ilmaha u doorayo uu noqdo mid dhinacyo badan laga fiiiriyay oo uu ka baaraan degay, xog bandanna uu ka hayo qiyaastii inta ay la egtahay aqbalaadda uu dhaqanka cunuggiisa ka helayo iskuulka.

Seddexda qaybood ee iskuullada ee aan kaga soo hadalnay; Iskuullada Dad-Weynaha (Public School) waa iskuul aan haba yaraatee waxa dhaqan ama diin ah aan laga tix gelin, laakiin uu qof kasta dhaqankiisa u madax bannaanyahay, waliba qeynuun ahaan aad ugu ad-adag in laga fogaado arrimahaas, taas macnaheedu waxaa weeye in ardayga uu dhex gelayo dabeecad ka xoog badan oo bedeli karta dhaqan kasta oo uu lahaa, waxaana dhaqan u noqonaya hadba dhaqanka loo badanyahay ee iskuulkaas bulshadiisu leedahay, taasoo ay ka marantahay inta ugu muhiimsan ee dhaqanka bulshadeenna, waxaana soo raaca fikradaha, qawaaniinta iyo guud ahaan siyaasadda deegaanka uu ka tirsanyahay iskuulka iyo maamulkiisa.

Iskuulka Dad-Weynaha ee Madaxa Bannaan (Public Charter School) isaguna wax weyn kagama duwana midkaas hore ee aan ka soo sheekeynay, wuxuuse leeyahay is maamul hoose oo uu u madax bannaanyahay hannaanka wax-barashada iyo maamulidda manhajka, inta badanna awooda maamulkiisa waxay ku urursantahay gacanta maamulka iskuulka oo inta badan ah
cidda iskuulka furtay, taasoo ka dhigan in arday bulsho gaar ah oo ah midda uu ka soo jeedo

maamulka iskuulka furay ay ardaydu u badato, dhaqanka loo badanyahay ee iskuulku leeyahayna uu midkooda noqdo, waana sababta inta badan ka dambeysa in bulshooyinka laga
badanyahay loo oggolaado ama ay u furtaan iskuullada noocaan ah. Waxyaabaha badanaa iskuullada noocaan ah ay ku fiicanyihiin oo loogu xisho waxaa ka mid ah; in bulshada ay helaan iskuul ay iyagu furtaan, maamul aan looga turjumeyn oo afkooda ku hadlaya, in maalmaha iyo munaasabadaha waaweyn ee bulshadaas u dabbaal degto ay ardayda iyo shaqaalahaba la damaashaadaan ama la fasaxo…waxaana ardayga qayb ahaan ilaa 50% uu ku dhex noolaanayaa dhaqankiisii. Iskuullada noocaan ah waxaa badanaa iska leh bulshooyinka laga badanyahay ama u soo haajiray Mareykanka; Hmong, Liberian, Masaari, Mexican, SHiinaha, Soomaali…iyo kuwo kale, waxaana la sheegaa ilaa 8 kun oo iskuul inay ku yaalaan dalka Mareykanka oo dhan.

Sida Waaxda Wax-Barshada Gobolka Minnesota (MDE), boggeeda ku cad guud ahaan waxaa gobolka ka furan 173 iskuul oo ah Iskuullada Dad-Weynaha ee Madaxa Bannaan (Public Charter Schools) waxayna iskuulladaan bixiyaan barnaamij wax-barasho oo gaar u ah ardayda, iyo qoysaska doonaya inay helaan wax u bedela Iskuullada Dad-Weynaha (Public Schools) ee hoos tago degmooyinka, waana iskuul u furan ardayda oo dhan, waxaana maamula bulshada, waalidiinta iyo macalimiin haysta rukhsadda macallinimmada. Waxay arrintan ku tuseysaa fursad la siiyay bulshooyinka laga tirada badanyahay ee u cabsanaya dhaqankooda. Iskuullada noocaan oo ilaa labaatameeyo ay u furanyihiin Bulshada Soomaalida ah, waxaana inta badan aan jirin waxa tabantaabin ah oo ka soo gaara bulshada ama xataa waalidiinta ardayda dhigata iskuulka. Waxaa jira xiriirka waalidka iyo iskuulka, waxaa jira xiriirka bulshada, waxaa jira guddiga iskuulka, kuwaasoo uu waalidka ama qofkii doonaya inuu iskuulka kabo uu la xiriir karo siu u wax uga ogaado baahiyaha uu dabooli karo ama uu ka caawin karo iskuulka.

Ardayda wax-barashada gaarka ah (Special Education)


Wax-Barashada Gaarka ah macnaheedu ma aha inay ka duwantahay midda ardayda ay si guud u qaadato hasa ahaatee waa habka ardayga u baahan caawinaadda dheeriga ah wax loo
barayo, taasoo inta badan uu iskuulku siinayo dadaal dheeri ah si ardayga uu u soo gaaro heerka looga baahnyahay. Baahidaas ayaa siyaabo kala duwan ku imaan karta mana aha
macnaheeda sida in badan oo bulshadeenna ka mid ah ay u fahmtay, wax liidaya shakhsiyadda ardayga, waxay ku imaan kartaa dhowr qaab oo ay mid tahay in ardayga uu xanuunsanyahay, ama dabeecaddiisa iyo siyaabo kale. Marka uu iskuulku arko in ardayga u baahanyahay caawinaad dheeri ah isagoo ku salaynay mid ka mid ah sababaha muujinaya in ardaygu caawinaad dheeri u baahanyahay buu iskuulku soo jeedinayaa ina ardaygaas u baahnyahay barnaamijka wax-barashada khaaska ah, soo jeedintaas ayaa waalidka ardayga waxaa loo sharxayaa in ardayga loo baahnyahay inuu ka mid noqdo barnaamijka wax-barashada khaaska ah.

Soo jeedintaas ka dib, waalidka ayaa laga rabaa inuu ka fekero soo jeedinta iskuulka isagoo maanka ku haya mustaqbalka wax-barasho ee ilmihiisa, taasi macnaheeda waxaa weeye
inuusan waqtiga ku haboon ee ay caawinaaddaas wax tareyso cunuggiisa ka lumin, waxaana xusid mudan in iskuulku uu dhowr macallin oo kala duwan uu ardaygaas si shakhsi ah ula
shaqeysa oo wax-barashada ka caawiye ay ku qorayaan, iyadoo mararka qaarkood ardaygaas la siinayo qaabab kala duwan oo wax-barsho, hadba sida ku haboon baahida uu ardaygaas qabo.

DHinaca kale, inta uu ardaygaas ku jiro barnaamijkaas wax-barashada khaaska ah, waxaa garab socda qiimeyn sanadle ah oo joogta ah oo iskuulka ay waalidka la socodsiinayaa hadba
xaaladdiisa heerka ay mareyso, iyadoo mar walba la weydiinayo waalidka dhinaciisa sida uu arko qiimeyntaas, iyo waliba waalid ahaan haddii uu sidaas si ka duwan wax u arko ama uu jiro dareen uu qabo oo uu soo gudbinayo, ama talo dheeri oo u muuqata oo khuseysa wax-barashada cunuggiisa.

Qiimeyntaas sanadlaha ah, waxaa la socda cusbooneysiinta in ardaygaas uu barnaamijkaas ka sii mid ahaado iyo in kale, middaas oo oggolaanshaheeda mar kasta la weydiinayo waalidka, isla markaasna uu ka saari karo haddii ay la noqoto. Waxaa iyadana jirta weyddiin marar badan bulshada dhexdeeda soo noqnoqota oo ah in ardayga barnaamijkaas wax-barashada khaaska lagu daro ay diiwaanka u geleyso oo aysan waligiis ka hareyn. Arrintaas oo aan run ahayn ayaa marar badan ay waalidiinta qaarkood ilmahooda oo u baahan uga reebaan fursaddaas run ahaantii wax ku oolka ah ee uu u baahnyahay ardaygooda, waxyna dhibaatada noocaas inta badan ka timaadaa iyagoo talooyinka ay u baahanyihiin inay ka ogaadaan barnaamijka wax-barashada gaarka ah aan weyddiin ciddii mudneyd inay weydiiyaan sidaasna xogo khalad ah ay ku soo gaaraan. Waxaa haboon waalidka inuu xasuusnaado in ay wuxuu yihiin wax-barasho, oo aysan melena ka soo geleyn waxyaabo la xiriira dabeecadaha noocaas ah, isla markaasna iyadoo guud ahaan arday kasta xogtiisa gaarka ah ee shakhsiyadeed ay dhowrsantahay oo aan la shaacin kareyn ay haddana middaan tahay mid si aad ah u dhowrsan.

DHaqammada kala duwan ee is diiddan…


Marka laga so tago wax-barashada iskuulka, dabeecadaha bulshada ardayda ah ay iskuullada ku joogaan baa ardayga dhaqan u ah, taasi macnaheeda waxaa weeye in guud ahaan uu dalka Mareykanka yahay dal horu mar ka sameeyay dhinnacyo badan oo nolosha qofka ah, isla markaasna ah meel ay u soo haajireen dadyow kala duwan, taasna waxaa ka dhashay in dalku uu yahay mid ay ku noolyihiin bulshooyin kala duwan; asal ahaan, muuqaal ahaan, dhaqan ahaan, diin ahaan, iyo siyaabo kale oo badan taasina waxay horseedday in mujtamaca guud ahaan dhaqanka iyo macaamilka ka dhexeeya uu noqdo ama u samaysmay si ay bulsho kasta ka soo durugtay qayb dhaqankeeda ka mid ah, waxaana samaysmay dhaqan tiirarkiisa ay yihiin xeerar iyo qawaaniin oo uusan jirin asal, dhaqan, caado, iyo hiddo la wadaago oo uu salka ku hayo. Dabeecadda noocaas ah waxaa ka soo baxay qawaaniin laga soo
dhiraandhiriyay dhaqankii bulshdii dalka loogu yimid (DHaqan & Qaynuun) in kastoo dhaqankaas isaga ahaa uu hadda sii tirtirmayo.

Si kastaba ha ahaatee, bulshooyinka laga tirada badanyahay ee dalka Maraykanka u soo haajiray oo ay bulshada Soomaaliyeed ka midka tahay ayaa dhallintooda ay wajahayaan wareer faro badan oo ah inaysan dhaqanka gurigooda marka hoaraba ka dheregsanayn oo aysan si qoto dheer u fahamsanayn, taasina waxay keentay inay si fudud uga tagaan dhaqankooda, isla markaasna ay ka fogaadaan bulshadoodii, oo aysan ka soo muuqan kaalintii ay ahayd inay bulshada u buuxiyaan, waxaana xusid gaar ah mudan in iyadoo uu mar kasta yaryahay waqtiga ay u helaan inay bulshadooda ku dhex jiraan aysan haddana jirin wax qorshe ah ama dadaal ah oo la xiriira in loo sameeyo nidaam iyo meelo lagu baro dhaqanka wanaagasan ee bulshadiisa, tusaale ahaan; in Dugsiyada Qur’aanka lagu daro xisado (ugu yaraan 45 daqiiqo) maalmaha dugsiga la aado oo ardayda lagu baro Far-Soomaaliga iyo sheekooyin la
xiriira dhaqanka Soomaaliyeed ee wanaagsan. DHaqanka sidiisa waxaa asal u ah afka!…Qof kasta dhaqankiisa waa afka uu yaqaano dhambaalka dhaqameed ee uu xambaarsanyahay, af kasta oo lagu hadlo wuxuu ka soo bilowday dhaqan ay leedahay bulshada ku hadasha, jiritaanka dhaqan kastana waxaa tiir u ah afkiisa.

“Guurso “ DHeh!…”Aabe…Hooyo…” DHallintu nuxurkooda ma dareemayaa?!


Sideeda dhaqanka wanaagsan ee aan dooneyno inay ilmaheena ama dhallinteena yeeshaan, waa dhaqankii dalkeenna ee aan ku soo kornay, waa dhaqankii aan ku baranay inaan kaga dayano waalidiinteen, waa dhaqankii aan ku baranay qaab nololeedkii quruxsanaa ee aan kaga dayanay dadkeenna, waa dhaqankii ka sameysnaa Han-Weynida, Ixtiraamka, Runta, iyo Xishoodka(Diinta).

Nuxurka Aabe iyo Hooyo ama waalidka in ilmuhu uu garanayo waxay gun dhig u noqotaa dhismaha adag ee qoyska, waxayna suuro gelisaa in bulshada ay yeelato jiritaan muuqda oo uu ilaalinayo xiriir bulshanimo oo ku dhisan is-ixtiraam, kala dambeyn iyo wax wada qabsi. Nuxurka waaalidnimmada ee ah in baari loo noqdo waalidka ma aha mid ay dhallintu ku fahmaan hadal keliya iyo in loo sharxo, hasa ahaatee wuxuu u baahanyahay bulsho si ficil ah u turjunta nuxurkaas oo uu ilmaha kaga daydo, taas macnaheedu waxaa weeye in ilmuhu ugu yaraan soo arko dhaqanka bushadiisa, iyo sida ay u noolyihiin.

“Guurso” DHeh!…Waa dhab waalidiinta inay yihiin dad dadaalaya oo ka fekeraya aayaha faca soo socda, waxaase lama huraan si arrintaas u taabo gasho in waalidku fahmo waxyaabaha qaarkood inuusan ugu dhaqmin sidii waayadii uu dalka ku noolaa. Waxaad Ceeb U Taqaan Baa Nin Caadadii Ah! Waxaa caadi ah oo aan dhammaanteen ka war qabnaa in gabadhu leedahay wiil saaxiib ah ama wiilku leeyahay gabar saxiibtiis ah ay tahay dhaqan caadi oo waliba muddoo dheer hadda soo jiray, oo ay jiraan dhaqamo intaas ka xun oo guud ahaan in yar mooyee gobollada dalka oo dhan qaynuun laga dhigay in lagu dhaqmo. DHaqammada noocaas ah, ee ku salaysan dhaqankii xumaa ee ay la yimmaadeen qowmkii
Nebi Luudh (Nabad Gelyadii Alle Dushiisa Ha Ahaatee) loo soo diray waa qayb ka mid ah nolosha bulshada weyn ee Mareykanka, oo aan ahayn wax la qarinayo. Mar haddi ay sidaas tahay, waxaa shaki

la’aan ah in gabdhaha iyo wiilasha bulshada Soomaalida ah ee laga badanyahay ay maalin kasta dhegahooda iyo indhahooda ku soo dhacayaan sheekooyin faro badan oo dhaqammadaas la xiriira, markaas waxaa haboon in waalidiinta iyo dadka waaweyn aysan ka xishoon in ilmahooda Wiilal iyo Gabdhaba u sheegaan oo waliba si ku celcelis ah ku dhiiri geliyaan inay guursadaan. Wali waxaa jira waalidiin ama dad aan ilmaha kula dhiiran karin arrintaas, ama is leh waqti sii, hasa ahaatee middaas waxaa diiday waaqaca dhulka yaala oo ilmuhu wax badan oo dhaqan ahaan aan lagala hadli jirin ay tahay in lagala hadlo.

Qallin-Jebintii ardayda Bulshada Soomaalida ee Jaamacadaha Minnesota


Waxaa aad loogu han-weynyahay in sanadba midka ka dambeeya ay tirada dhallin-yarada bulshada Soomaalida ah ee ka qallin jebinaysa jaamacadaha Gobolka Minnesota ay sii korodho. Ardayda sanadkan ka qallin jebisay jaamacada Gobolka ayaa tiro ahaan lagu sheegay 90.000, iyadoo 40,298 ka mid ah ay ahaayeen heerka Bachelor-ka, kuwaa oo 7,448 ka mid ah ay ahaayeen arday ka soo jeedda bulshada Soomaalida ah, sida meelo kala duwan lagu shaaciyay, taasoo u dhiganta in 10 kasta oo ardayda qallin-jebisay ah ay 2 ka mid ah Soomaali ahayd. Waa tiro aad u fiican, iyadoo sida dad badan oo ka mid ah wax garadka bulshada ay qabaan inay tahay tallaabo dhiiri gelin u ah ardayda ka dambeysa iyaga. Waxaana maalmihii qallin jebinta la arkayay tiro aad oo isugu jira waaliddiin iyo qaybaha kala duwan oo u soo baxay inay ardayda kula dammaashaadaan farxaddaas.

Xarumaha Bulshada Soomaalida (Somali Community Centers)


Waxaa lagama maarmaan ah in bulshado dadaal xooggan geliyaan sidii loo heli lahaa dhallin dhaqankooda yaqaan oo ku adadag, iyadoo loo hurayo maskax, muruq, iyo hantiba, waxaana haboon in maanka lagu hayo in mustaqbalka dhallin-yarada fiicnaantiisa ay ku xirantahay hadba inta uu la egyahay dadaalka maanta la geliyo, haddii ay tahay sidii dhaqankooda loogu ilaalin lahaa, diintooda, mid ahaanshahooda, wax wada qabsigooda, iyo haddii la meel marin karo nidaamyo wax-barasho oo la xiriira dhaqankooda oo siyaado ka ah wax-barashada caamka ah.

Arrintan oo u baahan in si buuxda oo aan kala har lahayn bulshada dhammaanteed uga qayb qaadato, haddii ay tahay mid dhaqaale ku bixiya, mid waqtigiisa iyo aqoontiisa geliya, ayaa haddan waxaa muuqanaya in kaalimaha hore looga baahnyahay Xarumaha Bulshada oo waxay noqon karaan sal-dhigga ay talooyinka ka guntamaan iyagoo qabanaya shirarka, isu keenaya mujtamaca weyn iyo dadka aqoontooda loo baahnayahay. Xarumaha Bulshada Soomaalida ayaa ku ammaanan gacanta ay ka geystaan tabantaabinta dadka waaweyn ee xarumahooda soo booqda ama caawinaadda u soo doonta, waxaase ayaamahan in dardar hor leh la geliyo u baahan caawinaadda ardayda laga siin jiray laylisyada iskuulka (homework). DHinaca kale Bulshada Soomaalida ah ayaa loo baahanyahay inay kor u qaadaan xiriirka ay la leeyihiin xarumaha kala duwan ee bulshada, Somali Confederation Community, Somali
Benadir Community iyo kuwa kalaba, iyagoo u sheegaya hadba baahida u muuqata, ama dhibaatooyin ay buldhada wajaheyso, ama talooyin curis ah oo ay ku kordhinayaan, mana aha oo keliya in hawlaha caado ahaan lagu yaqaan aan wax lagu kordhin ama aan wax laga bedelin!… Minnesota waxaa ku yaal 10.000 harood, waana meesha uu ka bilowdo wabiga Mississippi, waa dhul biyood, markaas ilmo aan la carbin ama aan dabbaal baran (aan Wax-Baran ) inay ku noolaadaan way ku adkaaneysaa!

W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published.