Madaxweyne Siciid Deni oo kulan gaar ah laqaatay safiirka Midowga Yurub ee Somalia Mrs Karin.

Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horreysay ku tagtay Puntland.

Sidoo kale, Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarin, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.

Dhanka kale, kulanka Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey  Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle), Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Ugudambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa shalay sidaan oo kale ula kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, waxa uuna kala hadlay xaalada Soomaaliya , gaar ahaan maamulka Puntland sidii looga fulin lahaa mashaariic kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.