Afar caruur oo da’adooda udhexeyso saddex jir ilaa lix jir oo meydkooda laga dhex helay Talaajad.

Namibia (Raxanreeb online) – Booliska dalka Namibia ayaa baaraya dhimashada afar caruur ah oo ku ciyaarayay talaajad faaruq ah oo ay dhex galeen kuna xirantay, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dda badan aad uga naxeen una hadal hayaan.

Sidoo kale, Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso saddex ilaa lix jir ayaa laga dhex helay talaajad la isticmaalay oo taal meel ay dadku ku badan yihiin oo ku taal magaalada Katima Mulilo galabnimadii Isniinta.

Dhanka kale, booliisku waxay rumaysan yihiin in carruurtu ay si lama filaan ah ugu xirantay qaboojiyaha xilli ay ku ciyaarayeen, laakiin waxaa socda baaritaanno la xiriira dhacdada.

Afarta carruur, ayaa labo ka mid ah ay ku neef qabatoobeen talaajad, halka labada kalena ay ku dhinteen isbitaalka iyadoo lagu daweynayo, sida ay sheegeen warbaahinada dalkaas.

“Markii aan gudaha u galay, waxaan arkay kalkaaliyayaal caafimaad oo ku hawlan gabadheyda iyo gabar kale, waxay ula carareen isbitaalka, halka labadii kalena lasoo qaaday,” ayuu Aranges Shoro, oo ka mid ah aabbayaasha carruurta u sheegay wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Namibia.

“Waxay ku xayirnaayeen saacad iyo bar, wayna neef-qabatoobeen.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.