Itoobiya oo ku baaqday in laga tashado ammaanka Soomaaliya ka dib bixitaanka ATMIS.

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Ambassador Taye Atske-Selassie, ayaa la kulmay Catherine Molly Phee, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, intii uu socday kalfadhiga 79-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA) ee ka socda New York.

Intii uu kulanka socday ayuu Wasiir Taye ku nuux nuuxsaday in Itoobiya ay ka go’an tahay xaqiijinta nabad iyo amni waarta, isagoo muujiyay doorka Itoobiya ee la dagaalanka Argagixisada gaar ahaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si taxadar leh looga wada tashado ka hor inta aan la dhameystirin qabanqaabada ka dambeysa ATMIS (Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya) taas oo muujineysa welwelka ay Itoobiya ka qabto ilaalinta xasilloonida gobolka.

Waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya oo ka dhalatay heshiiska Itoobiya ay ku kireyneyso qeyb ka mid ah xeebaha Somaliland oo ah maamul ka madax bannaan Soomaaliya, taasoo ay ku bedeshay in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland. Heshiiska ayaa sababay khilaaf diblumaasiyadeed, maadaama Soomaaliya ay si weyn u diiday heshiiska, iyadoo ku eedeysay Itoobiya inay wiiqeyso madax banaanideeda.

Qorshaha Itoobiya ku doonayso inay Somaliland ka samaysato Dekad ayaa sii xumeeyay xidhiidhkii ay la lahayd Muqdisho, waxaanay Somaliya isu soo dhawaysay Masar oo ay muddo dheer ku muransanaayeen Itoobiya biyo xidheenka weyn ee ay Itoobiya ka dhisayso webiga Niil.

Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya bishii Janaayo ka dib heshiiskii dekedda, taasoo muujineysa khilaafka diblumaasiyadeed ee sii kordhaya ee u dhaxeeya labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.