Ganacsatada badan oo goobohooda ganacsiga ka furay caamirooyinka CCTV oo xabsiga ladhigay

Muqdisho (Raxanreeb online) – Qaar kamid ah ganacsatada dukaamanka iyo goobaha kale ee ganacsi ku leh xaafado katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, ayaa bilaabay in ay goobahooda ganacsi ka bixiyaan  kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ee horey ugu xireen.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaana la sheegay in cabsi darteed uga bixiyeen kaamirooyinka goobahooda ganacsi , kaddib markii kooxda Al-shabaab ay bilaabeen in ay qarxiyaan goobaha ganacsi, sidoo kale goobahooda ganacsi ku dhax toogtaan ganacsatada diiday in ay kaamirooyinka iska saaraan.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka ayaana saakay xir xiray ganacsato badan oo goobahooda ganacsi ka bixiyay kaamirooyinkii ay horey ugu xireen, waxaana ganacsatada la xir xiray la geeyay saldhigga degmada Dayniile, halkaas oo lagu weediinayo su’aallo.

Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in ay fuliyeen amarkii dowladda ee ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, waxa ayna xuseen in maalmihgii lasoo dhaafay la kulmayeen hanjabaadyo ayna difaaci waayeen noloshooda ciidamada ammaanka.

Sikastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii koox hubeysan oo katirsan Al-shabaab xaafada SS-ta oo katirsan Oowdweyne ku toogteen ganacsato ku sugnaa goobahooda ganacsi, kuwaa oo kaliya loo weeraray in ay ka biyo diiden in kaamirooyinka qarsoon ka bixiyaan goobahooda ganacsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.