Goobihii ganacsi ee ku yaalay degmada Deyniile oo laxiray sababo laxiriira cabsi laga qabo Al-shabaab.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Goobo badan oo ganacsi oo kuyaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, ayaa la xiray maalmihii lasoo dhaafay, kaddib markii ganacsatada goobahaasi leh ay hanjabaadyo iyo dil  kala kulmeen kooxda Al-shabaab oo soo wacday.

Wararka ayaa intaasi kudaraya in dukaaman badan oo kuyaalla laamiga degmada Dayniile, ayaa la xiray kaddib hanjabadayo Al-shabaab uga yimid, ganacsatada loo hanjabay ayaa la sheegay in goobahooda ku xireen kaamirada qarsoon ee CCTV.

Sidoo kale, guddiyo ay iska xuleen ganacsatada ayaa u tagay laamaha amniga degmada Dayniile si ay ula socodsiiyaan xaalada lasoo daristay, hasa ahaatee ganacsatada ayaa lagu amray in aysan kaamirada ka bixin karin goobahooda, haddii ay sidaasi sameeyaana xabsiga la dhigi doono.

Dhanka kale, ganacsatada ayaana si joogto ah waxaa u soo wacaya xubno la sheegay in ay katirsan yihiin Al-shabaab, kuwaa oo ganacsatada ku amraya in goobahooda ka bixiyaan kaamirooyinka CCTV, haddii kale la dili doono ganactasada ama la qarxin doono goobahooda ganacsi.

Sikastaba, walwalka iyo cabsida lasoo daristay ganacsatada ayaa sii korortay kaddib markii xubno katirsan  Al-shabaab ay maalmo kahor toogteen ganacsato dhowr ah oo goobo ganacsi ku lahaa degmada Dayniile, kaddib markii ay diideen amarka Al-shabaab ee ah in goobahooda ka bixiyaan kaamirooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.