Isra’iil oo Turkiga ku eedeysay qarax ka dhacay Tel Aviv 18-kii August ee sanadkan.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet iyo boliiska maamulkaasi, ayaa ku eedeeyay in dowladda Turkiga wax ka maleegtay qarax gaari loo adeegsaday oo 18-kii bishii Agoosto ee sannadkan ka dhacay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil.

Sidoo kale, war qoraal ah oo ay wadajir usoo saareen sirdoonka Israa’iil iyo boliiska, ayaa lagu sheegay in dalka Turkiga laga soo abaabulay qarax fashilmay oo ka dhacay magaalada Tel Aviv, kaa oo la sheegay in la doonayay in waxyeelo xooggan lagu gaarsiiyo Israa’iil.

Dhanka kale, sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay in qaraxan laga soo abaabulay Turkiga uu ka dhacay meeshii loogu tala galay meel aan aheyn, waxa ayna sheegeen qofka lagu tuhmayo weerarkan fulintiisa in uu xiriir la sameeyay sargaal katirsan Xamaas oo ku sugan dalka Turkiga.

Maamulka Israa’iil ayaana qoraalka kasoo baxay sirdoonkooda lagu sheegay in xarumo kuyaalla dalka Turkiga oo leeyihii kooxda Xamaas lagu diyaariyo weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah Israa’iil, hadalkaas oo wali aysan dowladda Turkiga ka jawaabin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.