Taliyaha ciidanka boliiska Somaliland oo shaaciyay tirada dambiyada ka dhacay Somaliland 12-kii ee lasoo dhaafay.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Boliska maamulka Somaliland ayaa shaaciyay tirada fal dambiyeed iyo shilalkii gaari ee ay dad ku dhinteen 12-kii bilood ee lasoo dhaafay guud ahaan Somaliland, kuwaasi oo badi dadkii ku lugta lahaa la soo qab-qabtay sida uu sheegay taliyaha ciidank boliiska maamulka Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aaden Saqadhi.

Sidoo kale, warbixinta boliska ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhaceen in ka badan 28-kun oo fal dambiyeed oo dilal iyo kufis ay ku jiraan iyo sidoo kale in ka badan siddeed kun oo shil gaari, taas oo tirada guud ee fal dambiyeedyada ka dhacay Somaliland ka dhigeysa 28-kun oo kiis.

Dhanka kale, munaasabad lagu xusaayay 31 guuradii ka soo wareegtay markii dhiddibada lootaagay ciidanka boliska Somaliland ayaa warbixintan lagu soo bandhigay iyadoo uu goob joog ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dhamaan madaxda kale ee hay’addaha kala duwan ee maamulka Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.