DEG DEG: Qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Ankara (Raxanreeb online) – Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday xarunta hawada sare ee Turkiga (TAI), oo ku taalla caasimadda Turkiga ee Ankara.

Waxaa markii hore la maqlay dhawaqa qarax culus oo ay xigtay rasaas toos oo ka dhacaysay albaabka hore ee xarunta, waxaa jirta dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan, sida ay xaqiijisay warbaahinta dawladda.

Maamulka Turkiga ayaa ku tilmaamay qaraxan mid argagaxiso. Booliiska iyo kooxaha kale ee gurmadka ayaa loo diray xarunta.

TV-ga HaberTurk ee Turkiga ayaa sheegay in shaqaaluhu ay gabaad ka dhigteen gudaha goobta.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, Cali Yerlikaya, ayaa ku tilmaamay qaraxa “Weerar Argagaxiso”, isagoo tilmaamay inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh. Yerlikaya ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

“Weerar argagixisanimo ayaa lagu qaaday xarumaha Turkiga ee Aerospace Industries Inc. ee Kahramankazan, Ankara,” Yerlikaya ayaa ku qoray bartiisa X.

Dacwad oogaha Ankara ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan weerarka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu ee Turkiga.

Xaruntan waxay ku taal degmada Kahramankazan, oo qiyaastii 40 kiiloomitir (25 mayl) waqooyi ka xigta bartamaha magaalada Ankara. Sida laga soo xigtay website-keeda

Anil Sahin, oo ah cilmi-baare si wanaagsan ugu xiran warshadaha difaaca, ayaa HaberTurk u sheegay in weerarka ay fuliyeen rag badan oo soo weeraray xarunta, iyagoo ku baxsaday gaari taksi ah. Muuqaal la soo duubay ayaa muujinayay baabuur jaale ah oo aad u burburay oo la sheegay inuu ku lug lahaa qaraxa hore.

Sawirro dhowr ah oo ay baahiyeen wakaaladaha wararka Turkiga ayaa muujinayay ugu yaraan labo nin oo weerarka soo qaaday oo mid ka mid ah ay tahay qof dumar ah oo gudaha u soo galay xarunta, iyagoo wata qoryaha fud fudud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.