Ayatollah Cali Khamenei oo hanjabaad culus udiray Mareykanka iyo Isra’iil

Tehran (Raxanreeb online) – Dowladda Iran ayaa isku diyaarineysa in weerar aargoosi ah mar kale ku qaado gudaha Israa’iil, taas oo jawaab u ah weerarkii dhawaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ku qaadeen xarumo milatari oo kuyaalla qaar kamid ah gobolada dalka Iran.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku hanjabay jawaab adag oo ciqaab ah ka bixin doonaan weerarkii Israa’iil kusoo qaaday dalkooda, waxa uuna caddeeyay in aan looga hari doonin Israa’iil waxa ay sameeyeen.

Dhanka kale, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa dowladaha cadawga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil sheegay in ay la kulmi doonaan jawaab adag oo ay ka shalaayaan, taa ay uga falcelinayaan weeraro ay dalalkaasi ku hayaan jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Dowladda Iran ayaana la filayaa in weeraro aargudasho ah ku qaado gudaha Israa’iil, taa oo laga cabsi qabo in mar kale horseedo colaad hor leh oo ka qaraxda Bariga Dhaxe, xilli hadda dagaal xooggan uu ka socdo magaalada Gaza iyo sidoo kale Koonfurta Lubnaan.

Ugudambeyn, dowladda Iran iyo maamulka Israa’iil ayaa horey isku dhaafsaday duqeymo culus oo dhinaca cirka ah, waxaa idoo kale kooxaha Iran taageera ee Xisbullaah iyo Xamaas dagaallo adag xilligan kala hortagayana ciidamada Israa’iil ee duullaanka kusoo qaaday Gaza iyo Koonfurta dalka Lubnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.