Maamulka jubbaland oo qaadacday go’ankii baarlamaanka ku ansixiyay dhismaha guddiga doorashooyinka.

Kismaayo (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee maamulka Jubbaland, ayaa looga soo horjeestay go’aankii ay maanta xildhibaannada labada Aqal ku ansixiyeen dhismaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa caddeysay in aysan waxba ka khuseyn guddiga doorashooyinka ee dhismahooda  la ansixiyay, waxa ayna sheegeen in ansixinta maanta sameeyeen Baarlamaanka Federaalka uu yahay sharci darro, waxa ayna wasaaraddu tilmaantay in xitaa kooramka Baarlamaanka buuxin.

Dhanka kale, War-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya ku tumaneyso dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla, waxa ayna tallaabooyinka dowladda qaadeyso tilmaameen in ay horseedeyso kala taga umadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.