Gedo (Raxanreeb online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya gobolka Gedo kuwaas oo sheegaya in maanta halkaas ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamada Itoobiya, waxayna qaadeen tallaabo la xiriirta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay toos usoo faragelisay xiisadda taagan, waxayna bilowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ku taageerayso maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay hoggaaminta Jubbaland.
Ilawareedyo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in xadka gobolka Gedo uu la leeyahay dhinaca Itoobiya ay kasoo gudbeen ciidamo wata gaadiidka gaashaaman, isla markaana aanu qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo howlgallo bilaabay.
Dhanka kale, Mas’uuliyiintii gobolka Gedo ee taabacsanaa maamulka Jubbaland ayaa diyaarad gaar ah lagu geeyey magaalada Godey oo ay hadda kula shirsan yihiin saraakiil Itoobiyaan ah, waxa ayna kala hadlayaan xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka, kaddib markii ciidamo dheeraad ay ku daabushay dowladda federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa ah mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn DFS iyo Dowladda Itoobiya oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.
Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ayaa si weyn looga dareemayaa gobolka Gedo oo sidoo kale dowladda federaalka ay dooneyso inay isku ballaariso, waxayna ciidamo gaysay degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo, si ay qayb uga noqdaan howlgallada socda.
Ugudambeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Leave a Reply