Jubbaland oo diyaarad kasoo saartay deegaanka Raaskambooni ciidankii ay ku qabteen dagaalkii Raaskambooni

Kismaayo (Raxanreeb online) – Waxaa shalay diyaarad laga saaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, qaar kamid ah ciidankii dowladda Soomaaliya geysay deegaankaasi ee gacanta u galay ciidamada maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Ciidankan diyaarada laga soo saaray deegaanka Raaskambooni ayaa isugu jiray ciidamo katirsan milatariga gaar ahaan kuwa Gorgor iyo ciidamo badan oo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Dhanka kale, Saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, ayaa garoonka diyaaradaha Raaskambooni ka sagootiyay ciidanka lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Raaskanbooni.

Sikastaba, Ciidankan dowladda Soomaaliya dagaalka looga qabtay ee diyaarada la saaray ayaa laga reebay hubkii iyo agabkii kale ciidan ay wateen, waxaana ciidankan oo wajiyadooda ka muuqatay farxad u mahadceliyeen saraakiisha Jubbaland ee suurto galisay in iyaga oo nabbad ah Muqdisho lagu celiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.