Laascaanood (Raxanreeb Online) Ciidanka Booliiska Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay hawlgal ballaaran oo saacado badan qaatay, kaas oo ay ku qabteen maandooriyaha khamriga ah iyo saddex eedeysane oo isku dayayey in ay maandooriyaha soo geliyaan Caasimadda Laascaanood.
Hawlgalka oo si qorshaysan loo fuliyey ayaa ka dhacay xuduudda u dhaxaysa Waqooyi Bari iyo Dowlad-deegaanka.
Ciidanku waxay muddo ku raad joogeen gaari nooca “Noah” ah oo eedeysanayaashu wateen, halkaas oo lagu qabtay Saddex eedeysane oo la tuhunsan yahay Gaari nooca “Noah” ah Khamri tiro badan oo gaaraya 12 kartoon ah waday.
Saraakiisha Booliiska ayaa sheegye in eedeysanayaasha la geyn doono xarunta booliiska si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, isla markaana dacwad rasmi ah lagu soo oogi doono.
Ciidanka Booliiska Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo dambiyada kale, si loo xoojiyo amniga, nabadgelyada, iyo badbaadada bulshada.




Leave a Reply