Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyey Cutubyada…

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyey Cutubyada…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 19-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiya Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehelliyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo ku xigeennada labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka maanta, ayaa waxa uu ahaa ka doodista soo-jeedimaha wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan dhammaystirka doodda cutubyada 7-aad iyo 8-aad oo ka hadlaya awoodaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda, iyadoo Xildhibaannada labada Aqal ay siyaabo kala duwan uga aragti dhiibteen doodda qodobadaas muhiimka ahaa.

Guddoonka Baarlamaanka oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in maanta si rasmi ah loo soo gebagebeeyay doodda Cutubyada 7aad iyo 8aad ee Dastuurka, islamarkaana maalinta Sabtiga ah la guda geli doono ka doodi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.