AAW ‘’ Puntland maanta guul ku dayasho mudan ayay gaartay ‘’

SAWIRKA: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Muqdisho (Raxanreeb ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay doorashada golaha deegaanka ee dadka codkooda dhiibanaya maanta ee ka socota deegaanada maamulka Puntland.

Shakuur waxa uu sheegay in guul u soo hoyatay ay tahay shacabka Puntland doorashada qof iyo cod ee dadka codkooda dhiibaya si ay u doortaan qofkii hoggaamin lahaa.

‘’Waxaan u hambalyeynayaa shacabka iyo dawlad Goboleedka Puntland guusha taariikhiiga ee billawga u ah xaqiijinta himilooyinka shacabka. Dooradashada qof iyo cod ka waxay awoodaynaysaa kaalinta shacabku kaga qayb qaadanayo go’aaminta masiirka siyaasadda ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa intaas warkiisa uu raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in aysan xaq ahayn inuu sii socdo nidaamka doorashada dad badan oo uu yiri waxa ay keeni karaa in dadka xaqooda ay waayaan.

‘’Doorashooyinka dadban xaq ma ahayn, laakiin waxay ahaayeen xal lagu helayey xasillooni siyaasadeed. Haddaba, waxaa lagama maarmaan ah in awoodsiinta shacabka aysan marin u noqon muddo kororsi sababi kara xasillooni dari siyaasadeed ‘’ ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Shakuur.

Madaxda Soomaalida ayuu kula taliyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in ay ku heshiiyaan hanaanka siyaasadeed ee ay la yimaadan , qorsha lagaga gudbiyo nidaamka doorashada dadban.

‘’Geeswaynta siyaasadeed waa in ay xakameeyaan damaca siyaasadeed, kana heshiiyaan sidii la isku waafajin lahaa awoodsiinta dadwaynaha iyo xasilloonida siyaasadeed ‘’ ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Si kastaba Puntland ayaa markii ugu horreysay  maanta qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ay xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.