Muqdisho (Raxanreeb) — Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay warbixinno la xiriira Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka qaranka ee dugsiga sare iyo dhaqan-gelinta nidaaminta bajaajka caasimadda ka howlgala.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud iyo xasillinta dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah Gobollada dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa Golaha Wasiirrada ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.