Madasha wada-tashiga Qaran oo Maalintii labaad ku shirsan Muqdisho

Madasha wada-tashiga Qaran oo Maalintii labaad ku shirsan Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya  shirka madasha wadatashiga Qaran kaas oo  ay ka qayb galayaan inta badan madaxda maamul goboleedyda.

Shirkan waxaa ka maqan madaxwaynaha maamulka Puntland oo diidan ka qayb galka shirkan ka dib khilaaf kala dhaxeeya , Dowladda Federaalka ee uu hoggaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Shirka ka socda maalintii labaad magaalada Muqdisho waxa uuu  kusoo aadayaa xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Shirkan, wuxuuna noqonayaa shirkii labaad oo ay ka maqan tahay, shirkan kii ka horeeyay oo ka dhacay Baydhabo ma aaney jirin xubno maamulkaasi ah oo soo xaadiray.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.