Abdalle kadib caana -mala cabay ? Jahwareerka saxaafadda Soomaaliya

Abdalle kadib caana -mala cabay ? Jahwareerka saxaafadda Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb ) Kiisas badan oo ku saabsann  tacadi loo gaystay  saxaafadda Soomaaliyeed ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas la  hor istaagay in laga – hadlo.

Weriyayaasha qaar inta la jirday , shaqada laga joojiyay ayaa inta warbaahintooda ay baahisay dhibkii ku dhacay  hadana muuqalkii sheekooyinkooda ku saabsanaa laga saaray warbaahintooda.

Falalkan waxaa ku lug leh   Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laaluushtay warbaahinta iyo Weriyayaasha kuna kaliftay in laga aamuso wixii ku dhacay  taaas oo meesha ka saartay xuquuqdii suxufiyiinta.

Ururrada sheega in ay u doodayaan xuquuqda saxaafadda ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ma aysan ka hadlin dhibaatooyinkaas lagula kacay , suxufiyiinta waxaana talaabadaas lagu sifeeyay in ay tahay cabsi galin.

‘’Waxa ay ka baqayaan sidii Abdalle oo kale in la isaga daba- wareejiyo haddii kiisaska weriyayaasha si cad uga hadlaan ‘’ sidaas waxa sheegay qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhamaaday shaqsiyaad u istaaga difaaca suxufiinta , Soomaaliyeed oo xilligan ku shaqaynayo af libaax dhexdiisa , waana laga aamusay.

Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ayaa la tilmaamaa inuu astaan u ahaa Ololaha lagu difaacayay sanado badan Weriyayaasha Soomaaliyeed , haddii ay ahaan lahayd af iyo qoraal labaduba.

Waxaa meesha ka baxay abaabul xoogganaa oo lagu difaacayay suxufiinta oo horumuud u ahaa , Xoghayaha SJS Abdalle Muumin isla markaana si joogta ah looga hadli jiray tacdiyada ay weriyayaasha u gaystaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Suxufiyiin badan ayaa qiraya in haddii Xoghayaha SJS uu ku sii sugnaan lahaa magaalada Muqdisho ay jiri lahayd abaabul dhanka warbaahinta ah si loo helo xuquuqda Weriyaha oo hadda u muuqata mid meesha ka sii baxaysa.

Xoghayaha SJS Abdalle Muumin oo lagu dhibaateeyay shaarka Dowladda isla markaana waayay  Garsoor Cadaalad ah ayaa  muddo ku dhaw sagaal bilood loo haystay sabab la xiriira u doodista suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In kastoo maqnaanshaha Abdalle ee Muqdisho walwal ay ku kordhisay suxufiyiin badan , hadana waxaa muuqanaysa in wali isagoo ka maqan dalka hadana sii wado u qareemida suxufiyiinta iyo soo bandhigtida tacdiyada  jira  oo inta badan ay ku lug leedahaya Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.