Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midboobe

Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midboobe

Baladweyne (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta magaalada Baladweyne kulan kula yeeshay Wakiillada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga deegaankaasi.

Guudlaawe ayaa Wakiillada warbixin ka siiyay baaxadda iyo xaaladda fatahaadda ee ka jirta Baladweyne iyo saameynta daran ee ay bulshada ku yeesheen xilli dadkii degganaa Magaaladaasi ay inta badan ka barakaceen guryahoodii qaar kalena ay wali ku go’doonsan yihiin gudaha Baladweeyne.

Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay in wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobe ay gargaar deg deg ah oo isugu jira cunno, biyo, hooy iyo dawooyin lasoo gaaraan dadka guryahooda kasoo barakacay ee daadsan bariga iyo galbeedka deegaanka Beledweyne.

Bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka barakacaya magaalada oo May 9, 2023-ka uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, kaas oo biyo dhigay xaafadaha magaalada Beledweyne, waxaana hakad ku yimid dhammaan isu socodka dadweynaha, ganacsiga iyo waxbarashada gaadiidka.