Garoowe ( Raxanreeb ) Ka dib – hadalkii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee kaga hadlay doorashooyinka Puntland , iyo dagaalka Laascanood waxaa soo baxaya hadalo jawaab u ah warka Xamse Cabdi Barre
Qoraal bartiisa Facebook ku daabacay , Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayuu ku weeraray Ra’iisulwasaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Karaash ayaa qoraalkiisa waxaa ku sheegay in Xamse Cabdi Barre aysan ka sugaynin , inuu garan istaago shacabka ku nool deegaanada Sool iyo sanaag kuwaas oo dagaal lagu soo qaaday .
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xamza ay ahayd inuu iska aamuso sida uu yiri bedelkii uu ka hadli lahaa arrimo uusan waxba ka qaban karin.
“Xamza awalba garab istaag kama aysan filayn shacabka reer SSC ee loo xasuuqayo midnimada ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah warbaahinta usoo mariyo waxba ka ma bedeli doonto mawqifkooda’’ sidaas ayuu ku qoray Facebook-kiis Axmed Karaash.
Maalmo ka hor Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boorama aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho.
Hadalka Axmed Karaash Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa qayb ka ah , khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Puntland.
Leave a Reply