Abiy  Ahmiyad  miyaa tagaya todobaadka  Hargaysa Somaliland ?

Abiy  Ahmiyad  miyaa tagaya todobaadka  Hargaysa Somaliland ?

Hargaysa (Raxanreeb )  waxaa wali kacsan xiisada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya  ka dib markii ay la macaamishay Itoobiya Somaliland oo uu madaxwayne ka yahay  Muuse Biix Cabdi.

Itoobiya  ayaa ku adkaysanaya in heshiis rasmi ay  dhanka badda ah ay la gashay Somaliland oo sheegta in ay ka go’aday Soomaali inteeda kale hase ahaatee aysan helin wax aqoonsi ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in todobaadkan magaalada Hargaysa ee  gobolada Waqooyi uu  booqan doono Ra’iisulwasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed .

Hadda waxaa magaalada Hargaysa ku sugan Ra’iisulwasaare  ku xigeenka Itoobiya  ahna  Wasiirka  arrimaha dibadda Demeke Makonon Hassan halkaas oo kulama uu kula qaatay madaxda Somaliland.

Lama  oga in xubnaha hadda ku sugan magaalada Hargaysa hordhac ay u yihiin wafdi Abiy Ahmed ee  la sheegayo in ay tagayaan magaalada Hargaysa si ay u dhaqan galiyeen heshiis beenedka ay la gashay Somaliland.

Waxa ay booqasho ku tagi doonaan wafdigan Berbera  iyo  magaalooyinka kale ee Somaliland sida ay sheegayaan wararka laga helayo Somaliland

Haddii Abiy  Ahmed tago Somaliland waxa ay ka dhigan tahay talabaadii ugu adkayd ee uu qaado , tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal 1-dii January  2024

Hoos  ka akhri qoraal Rashiid Abdi oo u ololeya arrimaha Somaliland uu ka qoray booqashada Abiy ee ku tagayo Hargaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.