Abiy Axmed oo shaaciyay xiliga uu fulaayo heshiska is afgarada ee Somaliland iyo Itoobiya.

Beinjing (Raxanreeb online) – Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in heshiiskii is afgarad ee dhex maray maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya uu dhawaan fulayo oo la dhammaystiray.

Sidoo kale, Abiy Axmed wuxuu sidaasi ka sheegay kulan gaar ah oo uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ay ka wada hadleen heshiiska is-faham ee ay 1dii January ee sannadkan kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, wuxuunu caddeeyay in heshiiskaasi soconayo oo la dhammaystiray.

Dhanka kale, war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya,  Taye Atselassie, ayaa lagu  sheegay in Itoobiya ay isticmaali jirtay dekedda Jabuuti, hase ahaatee dhaqaalaheeda koraya darteed ay u baahan tahay dekedo badan oo ay isticmaasho, taasi oo madaxweynaha Shiinuhuna la qaatay.

Sikastaba, heshiiska is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Itoobiya laga kireeyo 20km oo ka mid ah xeebaha Somaliland oo ay ka samaysato saldhig millatari oo badda ah, halka Itoobiyana noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida maamulka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.