Abiy Axmed, wuxuu wax ku fahmayaa dhawaqa xabbadda!…SOOMAALIYA MAR KALE DHIIG WAA LOOGU WAN QALI!Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Abiy Axmed: duqsigii fuudka kulul ciirta mooday!
Layntii shacabka Itoobiya sida; Tigrayga, iyo
Amxaarrada, wuxuu u fasirtay inuu noqon karo
boqor xoog weyn oo Geeska Afrika qabsan kara!

Itoobiya waxay fahamsantahay oo wali ku riyooneysaa wixii ay baratay oo ahaa iyadoo gobol Soomaaliyeed waa hore gumeystuhu u hadiyeeyay ilaa iyo haddana xoog iyo xeerba dunidu ugu hiilisay. Waxayna taariikhda ka baratay in marar badan lagu garab istaagay gar-darrada soo jireenka ah ee ay ku haysato gobolkaas, iyadoo isla mar ahaantaas ay maalin kasta ciidammadeeda ay ka geystaan xad gudubyo ka baxsan aadminimmada. Run ahaantiina xad gudubyadaas ay xukuummadihii soo maray Itoobiya ilaa iyo maanta ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya xoogga ku haysato, marna dunidu kama hadlin iskumana dayin inay wax yeelada shacabkaas loo geysanayo xil iska saarto, waxaana la oran karaa Qarammada-Midoobay iyo Midowga Afrika dhaqankooda siyaasadeed eek u aaddan goblkaas Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid si ku talo gala ah ayaa qayb weyn ka ahaa cadaawadda iyo dhibaatada maalin kasta ciidammada Itoobiya u geyasanayeen dadkaas, waxayna u ekeyd, sabab kastaba ha ugu wacnaatee in dhibaato kasta oo xukuumadihii iyo nidaamyadii guumeysiga Itoobiya uu kula kacay shacabkaas ay ku daawadeen iyadoo waliba ururka Midowga Afrika ay xaruntiisu tahay caasimmada Itoobiya ee Addis Ababa, shaki la’aanna ay wax badan ka ogyihiin dhibaatada joogtada ah ee maalinlaha ee shacabkaas nidaam kasta oo yimaada uu kula kacao.

Mar haddii xaalka sidaas yahay ma ah wax lama filaan ah in Korneylka Abiy Axmed uu si bareer oo ka baxsan xeerarka dunida u yaal uu gole ula soo joogsado dal xor ah baan ku duulayaa oo aan gobolo ama dhulkiisa qayb ka mid ah xoog ku qabsanayaa, waase la sugayaa waqtgeeda haddii uu yeeli karo! Duqsigii ciirta ku dabaal bartay fuud kulul buu ku gubtaa! Korneylka wuxuu isku tijaabiyay dagaalladii uu ku xasuuqay shacabka Tigrayga iyo Amharada, wuxuuna halmaansanyahay labo boqol ee million ee uu tirsanayo inay horayba u joogeen oo aysan maanta imaan! Wuxuu hilmaansanyahay 64 sano oo ay Soomaaliya dowlad ahayd tirrada iyo dadka uu maanta ku goodinaayo inaysan baryo kula deris ahayn!… Goorma ayuu arkay ama xataa maqlay, Soomaaliya oo loo xoog sheegto?!…Beenta uu iska dhaadhiciyay waxaa u dheer inuu yahay awliyadii sheydhaanka oo uu isu heysto nin roobka keena, oo uu rumeysanyahay xulum iyo khuraafaad ay hooyadii u sheegtay inuu boqor noqonayo!…..Korneylka wali Runta Waa ka Fogyahay, hasa ahaatee dantaa bari doonta!….

Waxyaabaha aan la yareysan kareyn oo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed inay ku
baraarugsanaada ay muhiimka tahay waxaa ka mid ah hadalladda jeesjeeska ah iyo
handdadaadda had iyo goor ka soo yeerta madaxda kala duwan ee Itoobiya, oo uu ugu horeeyo taliyaha doqonka ah ee Field Marshal Birhanu Jula, taliyaha sir-doonka Ridwaan Xuseen, iyo keligii taliyaha ku amar taagleeya dalkaas, Korneylka Abiye Axmed, waxaana xusid mudan in Birhanu Jula uu marar badan si cad u sheegay inay Soomaaliya duulaan ku yihiin, isagoo waliba si cad oo aan qarsoodi ahayn ugu sheegay wareysi uu bixiyay bishii Maarso 2024, in 60% dalka Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta ciidammada Itoobiya, halka maalin kasta Abiy Axmed ku celcelinayo “Bad haddaan layna siin xoog baan ku qabsaneynaa!”… sida uu u hadlay Birhanu Jula iyo nacaybka uusan qarsaneyn keliya waxaa jawaab u noqon kara in si degdeg ah oo aan waxba dib loo dhigeyn ciidammada Itoobiya dalka looga saaro sifo kasta oo ay ku joogaanba. Waxaa sidoo kale la gudboon in dib loo celiyo dadka habqanka ku soo gala dalka siiba gobollada Puntland iyo Somaliland ee Itoobiyaanka dib loogu celiyo dalkooda.

SHirka Ankara rajo ma laha!
SHacabka Soomaaliyeed iyo dhallin-yaradiisa
kuma cusba caqliga Itoobiya waxayna
diyaar u yihiiin colaadda soo socota!

Koleyba cadaawadda iyo ciil qabka Itoobiya ee isku haleynta dalalka kale ka haysta dhiiri gelinta ma aha mid dhammaaneya, waxaase mar kasta hor taagnaa dhallin-yarada Soomaaliyeed ee aan waligood marna u dul qaadan gar-darrada guumeystaha! Kulannada Ankara ay u qabaneyso Soomaalida iyo Itoobiya, waxaa ka muuqda dabeecad habacsanaan ah, dabeecad uu ka muuqdo jileec, aysan dadka Soomaaliyeed raali ka ahayn, isla markaasna aysan jeclaan lahayn inay dowladooda ka qayb gasho shir noocaas ah! SHir, taloooyinka iyo xeerarka la rabo in xalka lagu gaaro uu markii horaba si kas ah Abiy Axmed u jebiyay isagoo sheegaya inuusan u hoggaansameyn, “Itoobiya bad la’aan ma ahaan karto, haddii loo oggolaan waayana xoog bay adeegsaneysaa!” buu yiri Abiy Axmed, taasoo macnaheedu yahay xeer iyo talo midna waxba innagama gelin, jawaabta shacabka Soomaaliyeedna waa mid iska kooban oo waa “Xoogaagu yuusan ku ciilin!”

Iyadoo go’aanka kama dambeysta ah oo ay ku talo galeen dadka Soomaaliyeed sidaas yahay ayaa hadana dhinaca kalana tix gelinayaan dowladda Turkiga qalbi wanaaggeeda oo aysan wax tuhun ah ka qabin, waxana la oran karaa oggolaanshaha in shirkaas ay Soomaaliya ka qayb gasho wuxuu meel ka dhac ku yahay haybadda qaranimo ee dalka Soomaaliya, hasa yeeshee qaar ka mid ah siyaasiyiinta taageera xukuummadda ayaa rumeysan inay wax kasta u hurayaan saaxiibnimmada xaqiiqda ku dhisan ee kala dhexeysa dalka Turkiga iyagoo waliba og inaysan u cuntameyn shacab weynaha in qaranimmadooda lagala gorgortamo cadow ay yaqaanaan gunta ujeeddadiisa. Dhaka kale Xasan SHiikh Max’ud ayaa lagu dhaliilay inuu qaranimmada dalka meel uga dhacay isla markaasna uusan sidii ay ahayd uga fal celin daandaansiga caqli yarida iyo kibirka is moodsiinta ku salaysan ee guumeysiga madow! Sida runtu tahayna dadka Soomaaliyeed waxay la yaabbanyihiin waxa ay ku salaysanyihiin wada hadallada Ankara ee uu daadihinayo waziirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, waliba iyagoo og xad-gudubka iyo duulaanka gar-darrada ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya. Waxaana talo haboon ah oo inta badan ay qabaan shacabka inaan Itoobiya wax xiriir ah nooc kasta ha ahaadee aan lala yeelan, isla markaasna aan laga oggolaan in deked laga ijaaro ama ay adeegsato marinnada biyaha Soomaaliyeed…

Abiy Axmed wuxuu ciidamo maamulka
Oromiya ah iyo ciidammadiisa gaarka
Ah ku qabsaday deegaano Soomaaliyeed
oo ka tirsan gobolka Soomaaliyeed ee ay
guumeystaan si uu u sooo gaaro xudduud
beenaadka oo aan loogu dhexeyn
iyaga iyo dhul weynaha Soomaaliya!
Ciidan Badeed?!…

Dadka Soomaaliyeed waa dad ilaaliya nabad ku wada noolaanshaha iyo derisnimo wanaagga, hasa ahaatee waxay ka digayaan waxaa ugu horeeya in xiriirka wanaagsan ee innagala dhexeeya Turkey uusan horseedin dhaawac soo gaara haybadda qaranimo iyo dowladnimo dalka Soomaaliya! Mana aha wax la qaadan karo in Turkeya innagoo qadarin u hayna haddana lagu ixtiraamo arrin dhaawacaysa haybadda qaranimmada iyo in cadow sheegto ama ku hamiyo inuu qabsado qaybo ka mid ah dalka…Sidaasoo kale, waxaa in la xuso ay tahay Itoobiya inaysan u hanjabi karin, xoog ku qabsan karin dhul Soomaali leedahay, waxayna in badan oo dunida ka mid ah la yaabbantahay in Itoobiya ku hamin karto qabsashada arrintaas! Oooh! Waxaa loo baahanyahay inay dadku fahmaan in damaca Itoobiya ee dalka Soomaaliyeed uusan weligeed iyada si toos ah uga imaan, mar kasta oo uu damac noocaas ah galena ay dabada ka riixayeen guumeystayaashii ku soo duulay qaaradda Afrika, kuwaas oo uu ugu horeeyo dalka Ingiriiiska oo isagu u dhaqmay sidii in Somaliland ay tahay gobol ka tirsan dalka Ingiriiska.

Waxyaabaha sababay inay Itoobiya beenta intaas la eg iska dhaadhiciso waxaa ugu horeeya hadallo badan oo dhegaha madaxdooda ku dhaca marka ay saaxiibadood guumeystayaashii hore la kulmaan, isda inay Soomaaliya ka xoog badanyihiin, inay iyaga garab istaagayaan, waxaadna garan kartaa sida madax-weynaha Faransiiska ugu farxsanaa inuu maraakiib dagaal ka iibiyo Itoobiya isagoo og inaysan lahayn bad, taas waxaa macnaheedu yahay in Emmanuel Macron uu qayb ka ahaa barnaamijka iyo sababta ay Itoobiya u sameysanayso ciidammada badda. Waxaa iyadana gacan ka geystay dhismaha ciidammadaas dowladda Talyaaniga, dhammaan tallaabooyinkaas ma aha kuwo iska dhacay ama si aan ku talo gal ahayn isaga yimid, waxaanu ognahay in gar darradaas ay ka soo bilaabatay baaqii ay Jendayi Frazer 2009kii sida edeb darrada ah oo aysan xaq u lahayn uga hadashay dhul badeedka Soomaaliya iyadoo si cad u sheegeysa inay Itoobiya bad uga rabto, wixii markaas ka dambeeyay ilaa iyo maantana waxaa socday ololaha duullaanka ee Itoobiya layska soo hormariyay ee ay guumeystayaashu ku soo qaadeen dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa shaki la’aan ah in marka la eego sida ciidammada gobolka Oromiya iyo ciidammada federal-ka Itoobiya oo gacan siinnaya ay ugu soo durkayaan deegaannada Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku guumeysto, si ay u sameeyaan deegaano Oromodu leedahay oo si toos ah oo aan loo dhexeyn ugu xiran xudduuda dal-weynaha Soomaaliya, waxayna hadda soo qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Mooyaale, Qoloji, Jinanacsaneey, waxaana sida muuqato uu qorsheeyay Abiy Axmed inuu Oromeeyo Jigjiga, SHabeeleey, ilaa gobolka Faafan, taasoo uu ugu gogol xaarayo barnaamijka iyo qorshaha duullaanka ay Itoobiya ku raadinayso meel ay ka gaarto badda cas, waxaana xawli ku socda hawl gallada is balaarinta ah ee maamulka Oromiyo lagu fidinayo deegaannada Soomaaliyeed ee ay guumeysato Itoobiya.

Waxyaabahaas aan soo sheegnay, iyo dhiiri gelinta aan kala go’a lahayn ee ay dalalka qaarkood la garab taaganyihiin Itoobiya waxay horseedayaan inaysan Itoobiya ka noqon mowqifkeeda gar- darrada garabka og ah, sidaas aawadeed waxaa hor yaala dowladda inaysan aadin shirkaas isla markaasna ay si degdeg ah ay shacabka iyo dhallin-yarada u abaabusho isla markaasna dagaal jiitama oo dheer loo diyaariyo dadka iyo dalka, iyadoo aan wax waqti ah la dhumin, waxaa sidaasoo kale xil gaar ah saaranayahay dhallin-yarada, inay sid haqso ah u dhaqaan oo iska xaaadiriyaan xudduudaha iyo meelaha uu ku wajahanyahay cadowga Itoobiya.

Waxaana intaas dheer caqliyadda uu Abiy Axmed ku socdo oo ah riyada hooyadii u sheegtay ee ah inay ku riyootay isagoo boqor ka noqday Bariga Afrika, iyadoo khuraafaadka uu Abiy Axmed ay saameyn weyn ku leeyihiin siyaasaddiisa ayaa hadana jira dalal arrimahaan ku maal gelinaya oo iyagana doonaya inay danaha guracan ee ay Soomaali ka leeyihiin sidaas ku gaaraan, waxaana biyo kama dhibcaan ah oo qaacido aan is bedelin ah guumeystuhu intuu hadalka iyo caqliga ku garan waayay inuu dhwaqa qoriga ku garto! Dowladda iyo dadka Soomaaliyeedna waxaa si aan doorasho kale lahayn hor yaala DAGAAL!…DAGAAL!…Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!

Leave a Reply

Your email address will not be published.