Category: Wax ka Dheh

Home » Wax ka Dheh
Ra’iisul Wasaare Barre oo Beesha Caalamka Fariin U Diray
Post

Ra’iisul Wasaare Barre oo Beesha Caalamka Fariin U Diray

Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in beesha caalamku weli Soomaaliya u aragto dal ku-meel-gaar ah, isagoo ku baaqay in la beddelo fahamkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbalayn in loo sheego inaysan awoodin inay go’aannadeeda gaarto ama ay wax walba qaban karin, isaga oo adkeeyay...

Cabdirashiid Janan oo Ku Biiray Jubbaland
Post

Cabdirashiid Janan oo Ku Biiray Jubbaland

Jubbaland (Raxanreeb Online): Cabdirashiid Janan, oo dowladda Soomaaliya hore ugu magacowday wakiilkeeda gobolka Gedo, ayaa la sheegay inuu ka tanaasulay mowqifkii dowladda Federaalka, isaga oo si toos ah ugu biiray dhinaca Jubbaland. Cabdirashiid Janan oo saamayn siyaasadeed iyo mid amni ku leh gobolka Gedo ayaa hore dagaal adag ula galay Jubbaland, xilli uu taageero ka...

NAIROBI : Ahmed Madoobe & xildhibaano mucaarad oo ku kulmay
Post

NAIROBI : Ahmed Madoobe & xildhibaano mucaarad oo ku kulmay

Nairobi (Raxanreeb )  Magaaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta oo Axad ah waxaa ka dhacay kulan ay wada- qaateen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo xildhibaano mucaarad ah. Labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in ay ka wada- hadleen arrimaha dalka si gaar ah doorashooyinka  2026 iyo muranka sii jiitamaya ee Villa Somalia ,...

Bashaar Al-assad oo khiyaanay lataliyeyaashiisa ammniga militariga, sirdoonka iyo howlwadeennada xafiiskiisa
Post

Bashaar Al-assad oo khiyaanay lataliyeyaashiisa ammniga militariga, sirdoonka iyo howlwadeennada xafiiskiisa

Suuriya (Raxanreeb online) – Wakaaladda wararka ee Reuters, waxay soo bandhigtay khiyaannada uu Bashaar Al-assad kula kacay la-taliyayaashiisa amniga, saraakiisha militariga, sirdoonka iyo howlwadeennada xafiiskiisa, saacadihii u dambeeyay ee uu ka baxayay Dimishiq. Waatan sheekada; Saacado ka hor inta uusan u baxsan Moscow — Bashaar waxa uu la kulmay 30 ka tirsan saraakiisha u sarreysa...

Maxaa ka cusub doorashadda Somaliland sanadkan maxaana iska bedelay doorashooyinkii hore.
Post

Maxaa ka cusub doorashadda Somaliland sanadkan maxaana iska bedelay doorashooyinkii hore.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Jamhuuriyadda kaligeed isugu dhawaaqday madaxbannaanida waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada iyo ururada siyaasadda, oo labadii sano ee lasoo dhaafay uu ka taagnaa muran farabadan. Doorashadan oo loo madlanyahay maalinta beri ah ayaa noqoneysay tii sideedaad oo ka dhacday Somaliland tan iyo markii ay ku dhowaaqday in ay...

Isku dheelli tirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay saameynta Itoobiya ee Geeska Afrika.
Post

Isku dheelli tirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay saameynta Itoobiya ee Geeska Afrika.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Tan iyo horraantii 2024-kii, waxaa ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed iyo dagaal afka ah oo isku haya danaha gobolka ee Geeska Afrika, gobolkaas oo ay hareeyeen xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni. Xiisadda u dhaxaysa labada dal ayaa soo shaacbaxday bishii January markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah...

Xasan Sheekh oo muddo kororsi siiyay Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Post

Xasan Sheekh oo muddo kororsi siiyay Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha soomaaliya ayaa muddo kororsi sharci daro ah siiyay madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kaddib markii usoo idlaaday shirkii qabyada ahaa ee golaha wadatashiga qaran. Madaxweyne Xasan ayaa  seddexdaas maamul kula heshiiyay in doorashada deegaanka ay qabtaan bisha june ee sanadka 2025, halka doorashada hoggaanka golaha wakiilada iyo hoggaanka...

Post

Abiy Axmed, wuxuu wax ku fahmayaa dhawaqa xabbadda!…SOOMAALIYA MAR KALE DHIIG WAA LOOGU WAN QALI!Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Abiy Axmed: duqsigii fuudka kulul ciirta mooday!Layntii shacabka Itoobiya sida; Tigrayga, iyoAmxaarrada, wuxuu u fasirtay inuu noqon karoboqor xoog weyn oo Geeska Afrika qabsan kara! Itoobiya waxay fahamsantahay oo wali ku riyooneysaa wixii ay baratay oo ahaa iyadoo gobol Soomaaliyeed waa hore gumeystuhu u hadiyeeyay ilaa iyo haddana xoog iyo xeerba dunidu ugu hiilisay. Waxayna...

Barlamaanka Puntland oo fadhi aan caadi ahayn yeeshay & xubno ay meelmariyeen.
Post

Barlamaanka Puntland oo fadhi aan caadi ahayn yeeshay & xubno ay meelmariyeen.

Garoowe (Raxanreeb )- Maanta oo Arbaca Barlamanka dowladda  Puntland ayaa fadhi ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Kulanka oo ahaa mid muhiimad gaar ah la lahaa ayay mudanayaashu waxa ay ku meel-mariyeen xubno masuuliyiin ah oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni. Waxa uu ahaa kulanka maanta Barlamaanka uu yeeshay  kii...

Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo – Muxuse salka ku hayaa ?
Post

Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo – Muxuse salka ku hayaa ?

Raxanreeb (Gaalkacyo )- Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta oo Arbaca ah waxaa ka dhacay dibadbax balaaran oo ay samayeen wadayasha  Bajaajta ee magaalada. Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku sugan – magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug wadayaasha  Bajaajta ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. Waxa ay ku  muujiyeen wadayaasha Bajaajta banaanbaxooda sida...