Adeegsiga Badda cas 80% wuu istaagay – Burcadbadeed dilaacday darteed.

Adeegsiga Badda cas 80% wuu istaagay – Burcadbadeed dilaacday darteed.

Switzerland (Raxanreeb ) Shirkadda maraakiibta Switzerland ee MSC ayaa hakisay isu-socodka maraakiibteeda ee badda cas.

Tani ayaa ka dhigan in ay noqonaysa shirkadda afaraad ee joojisay adeegsiga badda cas, taa oo ka dhigtay ku 80% inuu istaagay adeegsiga badda cas ee maraakiibta ganacsiga.

Afduubka kooxaha burcad badeeda ay ka bilaabeen xeebaha badda cas  ayaa loo aanaynayaa  in hakad uu galo isu socodka marin biyoodkan oo muhiim u ah maraakiibta shisheeye.

Waxaa soo baxaya walaac laga qaba sii socoshada qafaalka ay gaysanayaan kooxaha burcad badeeda ka dib markii dib ay u soo cusboonadeen weeraradii ay gaysan jireen kooxdan.

Howlgalka Midowga Yurub ayaa 2017- dii ku dhawaaqay , in la ciribtiray burcad badeeda ku sugnayeen xeebaha Soomaaliya hase ahaatee waxaa hadda muuqanaya in dib ay isku soo aruursanayaan .

Goor sii horeysay  Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan “markab la sheegay inay burcad-badeeda afduubteen,” kaasi oo lagu magacaabo Ruen, xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.