Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday guri ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Al-Shabaab ayaa sheegtay in 70 qof ay ku dishay weerarkii shaley ka dhacay guri ku yaallay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay intaa ku dartay in guriga ay weerarka ku qaadeen lagu daweynayay dagaalyahanada Macawisley oo kusoo dhaawacmay dagaal.

Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda sheegtay in 10 qof oo aan waxbo galabsan lagu dilay weerarka halka saddex qof lagu dhaawacay.

Sidoo kale dowladda waxay sidoo kale sheegtay in afar askari ay ku dhinteen weerarka.

Qarax xooggan ayaa laga maqlay qarax weyn oo ay xigtay rasaas xoog leh oo ka dhacaysay guri ku yaala waqooyiga magaalada.

Dad goobjoog ah ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay weerarreen guri lagu daweynayay dhaawacyada ciidamada deegaanka ee dhawaanahan Al-Shabaab kula dagaalamayay gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.