Arrin ka mamnuuc ah madaxtooyada Ruushka si loo ilaaliyo amniga Putin

Arrin ka mamnuuc ah madaxtooyada Ruushka si loo ilaaliyo amniga Putin

Moscow (Raxanreeb) — Si loo ilaaliyo amniga madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin telefoonnada casriga ah ayaa laga ilaaliyaa aqalka Kremlin-ka, taasoo ah tallaabo qayb ka ah sugidda amniga Putin.

Madaxweynaha Ruushka qudhiisa ayaa xaqiijiyay in uusan isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaarsiinta.

Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xiriiro qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay.

Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynaha uusan isticmaalin qalabkaas waa in uusan kalsooni ku qabin internet-ka.

Horay ayuu mar u sheegay in internet-ku uu yahay “Mashruuc ay leeyihiin CIA” – oo ah hay’adda sirdoonka Mareykanka. Dadka u dhashay Ruuhska ayuu ka codsaday in aysan waxba ka raadinin Google maadaama uu u arko in Mareykanku ay la socdaan xogta la galiyo adeeggaas.

Isbadallada lagu sameeyay amniga madaxweynaha Ruushka kuma eka oo kaliya kuwa ku saabsan dhinaca weerarrada, balse dhinacyada cuntada iyo caafimaadka ayaa ka mid ah waxyaabah aadka looga taxaddaro.