Askari Dowladda ka tirsan oo nin Kenyan ah ku dilay Muqdisho

Askari Dowladda ka tirsan oo nin Kenyan ah ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Meel aad ugu dhaw Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah waxaa lagu toogtay nin ajanbi ah oo howl u shaqo u  joogay dalka.

Ninkan lagu dilay maanta magaalada Muqdisho ayaa u dhashay dalke Kenya sida ay sheegeen dad la shaqaynayay oo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay.

Askari xiran dharka ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in  dilkan muwaadinka Kenya ah uu ka danbeeyay , kaas oo dhawr xabo ku dhuftay.

Ilaa iyo hadda lama ogaan sababta ka danbeysa dilka ninkan shaqada ka waday naxaawiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , mana jirto faahfaahin Dowladda ay ka bixisay.

maydka ninkan ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, si baaris loogu sameeyay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna haatan wadaan howlgallo ku aadan dilka loo geystay ninkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.