Askari katirsan ciidanka Mareykanka oo lagu xukumay 14sano oo xarig ah kaddib markii lagu fal Daacish laxiriira

New York (Raxanreeb online) – Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu isku dayay inuu gacan ka geysto in kooxda Daacish ay weerar gaadmo ah ku qaado ciidamo katirsan dowladda Mareykanka, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda cadaaladda.

Sidoo kale, Mmxkamadda gacanta ku heysay kiiska askarigan oo lagu magacaabo Cole Bridges, oo loo yaqaan Cole Gonzales, oo 24 jir ah, ayaa ugu dambeyn ku xukuntay 14 sano oo xabsi ah, wa waxa uu sidoo kale mari doonaa sii-dayn kormeer ah 10 sano ka dib markii laga sii daayo xabsiga.

Askarigan katirsanaa ciidamada Mareykanka ayaa lagu soo oogay sannadkii 2021-kii inuu siiyay xog ciidan iyo tilmaamo kooxda Daacishm, kuwaa oo ku saabsanaa sida loo dili karo askar ay kawada tirsan yihiin ciidamada Mareyanka.

Dhanka kale, Cole Bridges oo kamid noqday ciidamada Mareykanka sannadkii 2019-dii ayaa qirtay  dambiga lagu soo oogay ee ahaa in uu Daacish taageeray uuna siiyay xog bishii Juun 2023, waxa uuna ka codsaday laamaha caddaaladda in loo naxariisto.

Ugudambeyn, Kahor inta uusan ku biirin, sida laga soo xigtay waaxda caddaaladda Mareykanka, wuxuu bilaabay raadinta cilmi-baaris iyo  borobogaando online ah “kor u qaadista jihaadka iyo fikradahooda rabshadaha leh, wuxuuna bilaabay inuu taageero ISIS iyo jihaadka ku muujiyo baraha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.