ATMIS ”Waa ka aargodanay Al- Shabaabkii weerara ku soo qaaday Buulamareer ”

ATMIS ”Waa ka aargodanay Al- Shabaabkii  weerara ku soo qaaday  Buulamareer ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Hoggaanka ATMIS ayaa markii ugu horeysay  ka hadlay weerar kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen magaalada Buulamareer halkaas oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidanka Uganda .

War qoraal ah oo ka soo baxay , ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidanka Uganda ay ka aarguteen  kooxda Al- Shabaab ee weerarka ku soo qaaday fariisimahooda Buulamareer ee Shabeellaha.

War qoraal ah oo kasoo baxay ATMIS ayey ku sheegeen iney ka daba tageen ciidankaasi Shabaabka ah oo ay soo laayeen, sidoo kale waxey sheegeen iney dib usoo ceshteen hub culus.

“Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay ATMIS.

Howlgalka kumeel gaarka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo taageerada dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“ATMIS waxa weli ka go’an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya” ayaa lagu sii daray warka ATMIS.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda horay u baahiyay in weerarkii Jimcaha ay ku dileen 137 ka tirsan ciidamada Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.