Adis Ababa (Raxanreeb ) Midowga Afrika ayaa la sheegayaa inay ka biyo diideen codsiga Villa Somalia ee ah in la hakiyo bixitaanka ciidanka ATMIS kuwaas oo qorshuhu yahay in dalka ay ka baxaan dhamaadka bishan September .
“Macquul ma aha inaad sidaad u hurdeysay aad soo toosto labo toddobaad ka hor bixitaanka ciidanka ATMIS,” ayaa laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Midowga Afrika
AU waxay la yaab ku tilmaantay in Warqad wiifto ah loo diray Qaramada Midoobay, halkii codsiga lagu hagaajin lahaa Midowga Afrika (oo ah kan keensaday ciidanka ATMIS).
Lama marin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Muqdisho, taasina Midowga Afrika waxay ku tilmaameen “dhaqan xumo dhanka diblomaasiyadda ah”
Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo aan samayn qorshe ciidan oo dhab ah ayaa tani la rumaysan yahay in ay ku keeni karto dhaawac xaga amniga ah maadama ay gashay dagaal aan la hubin natiijada ka dhalan karta.
Dowladda Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in la hakiyo qorshaha wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka ATMIS.
Bishan September ayaa qorshuhu yahay in 3000 oo askari ay ka baxaan Soomaaliya taas oo hadda soo – baxaya sida walaac loo qabi karo ka dib bixitaanka ciidanka ATMIS.
Todobaadkan gudahiisa ayay ATMIS ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay saldhigii ugu weynaa ee ATMIS ku laheyd deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Leave a Reply