Hogaamiyaha kooxda Daacish Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, ayaa la ogaaday inuu nool yahay oo uu ka badbaaday duqayn cirka ah oo uu Maraykanku la bartilmaameedsaday 31-kii May ee sannadkan. Ilo xog ogaal ah oo katirsan hay’adaha Puntland ayaa sheegay, in hoggaamiyaha Daacish uu weli ku sugan yahay goob qarsoodi ah oo ammaankeeda aad loo ilaaliyo oo...
Author: Mohamed Ibrahim (Mohamed Ibrahim)
Axmed Madoobe oo hal Arrin kala hadlay Wafdi ka socda dowladda Mareykanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Taliyaha...
In ka badan 100 Falastiini ah oo weerar lagu dilay
Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa, ayaa 24 saac ee la dhaafay fuliyay howlgallo ay ku beegsadeen ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa ee Dhulka Reer Falastiin. Inta ay weerarrada socdeen waxaa geeriyooday saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo aan si rasmi ah tiradooda loo soo bandhigin, halka taangiyo iyo gaadiid kale oo...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiil dalacsiiyay iyo xogta sida ay ku heleen
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay Saraakiil dhalinyaro ah oo katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay Shaqo wanaagsan qabteen. Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa u badan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gobolada dalka, waxaana Magacyadooda iyo dalacsiintooda ay noqotay. 1: Taliye xigeenka Qeybta...
Al-Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday degaanka Goofgaduud Buureey iyo dagaal ka dhacay
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal saaka waaberigii hore ka dhacay degaanka Goofgaduud Buureey oo katirsan Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saddex Saldhig oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin...
XOF:- Somaliland oo qaadacday wada-hadallada DFS iyo Itoobiya ee arrimaha Badda
Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Axmed Hurre ‘Barwaani’, ayaa ayaa BBC Somali u sheegay in ay haboontahay in Soomaaliya wixii walaac ay ka qabto heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay kala hadasho Somaliland. Waxa uu sheegay in wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu aanu ahayn wadada saxda ee xaalada wax lagaga qaban karo, waxa uu xusay...
Akhriso:- Xog ku saabsan Kulanka RW Xamse iyo dhiggiisa dalka Ciraaq
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay dhiggiisa dalka Masar
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay...
Abiy Axmed oo ku adkeystay inay helaan qeyb kamid ah Badda Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kahor hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa soo qaaday qodobka la xariira arrinta Badda iyo damaca Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuu kuceliyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo Badda Cas, qeyb kamid ah. Somaliland ayuu sheegay in...
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay G/ Galgaduud
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar jidgal ah oo kadhacay inta u dhaxeesa degaanka LaandheerIyo Degmada Huurshe ee Gobolka Galgaduud. Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda Degmada Cabudwaaq ayaa jidka u galay Wade gaari oo kasoo jeeda Cadaado waxana weerarkas kadhashay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac Wadihii Gaariga ayaa dhaawac looga...









