Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay Saraakiil dhalinyaro ah oo katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay Shaqo wanaagsan qabteen.
Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa u badan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gobolada dalka, waxaana Magacyadooda iyo dalacsiintooda ay noqotay.
1: Taliye xigeenka Qeybta Waliyoow Cadde Faratol Ciise oo u dalacay Gaashaale Dhexe
2: Taliyaha Qebta Galbeed Maxamed Cabduqaadir Nuur oo u Dalacay Gashaanle Dhexe
3: Taliye Xiggenka Qeybta Bari Macalin Faarax Cabdullaahi oo u Dalacay Gashaanle Dhaxe
4: Hassan Ali Kheyraad oo u Dalacay Darajada Gaashaanle
5: Xeer ilaaliye ku-xiggenka Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo u Dalacay Dhamme
6: Taliye kuxigeenka Qeybta Bartamaha oo u dalacay Darajada G/Dhexe.
7: Taliyaha Waliyow Cadde Anas Adan Mohamed oo u Dalacay Gaashaanle Dhexe
8: Taliyaha Saldhiga Dayniile Axmed Yalahow oo u dalacay Gaashaanle.
9: Taliyaha Saldhiga degmada Waaberi Cade Yare Cali Caroole oo u dalacay Darajada Kabtan.
10: Taliyaha Operationka degmada Hodan Mustaf Cali faras oo u dalacay Darajada laba Xidigle
11: Taliye Xigeenka degmada Hodan Xasan Nasrullaahi oo u dalacay Darajada Kabtan
12: Taliyaha Koontaroolada Warshadaha Ugaas Aadan Ugaas oo u dalacay Darajada Kabtan.
13: C/raxman Axmed Cali Sarkaal Dhalinyaro fir fircoon oo isagana u dalacay Darajada Xidigle.
14: Taliyaha Daraawiishta ee Rugta Tirismataalaha Degmada Afgooye Jaamac Maxamuud oo u Dalacay Darajada L/Xidigle.
15: Taliye Tahliil Xasan Xuseen oo u dalacay Darajada Dhamme
16: Taliye kuxigeenka Saldhiga Degmada Afgooye Moha Cali Geseey oo u Dalacay Darajada L/Xidigle
Leave a Reply