Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar jidgal ah oo kadhacay inta u dhaxeesa degaanka Laandheer
Iyo Degmada Huurshe ee Gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda Degmada Cabudwaaq ayaa jidka u galay Wade gaari oo kasoo jeeda Cadaado waxana weerarkas kadhashay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac
Wadihii Gaariga ayaa dhaawac looga qaaday Aaga weerarka uu kadhacay halka Haweeney la socotay ay ku geeriyootay
Arintan ayaa salka kuheysa Dilal ku saleesan Aano qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degaano katirsan galmudug.
Leave a Reply