Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga. War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inDowladda Soomaaliya ay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo...
Author: Mohamed (Mohamed Morsal)
Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb) Qarax laga maqlay meelo kala duwan ayaa gordhow ka dhacay degmada kaxda ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaan ayay wararku sheegayaan in uu ahaa miino kaasi lala eegtay Sarkaal iyo ciidamo uu watay oo ku sugnaa gudaha degmada kaxda gaar ahaan waaxda 1aad. Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay Sarkaal lagu...
Ciidanka ATMIS oo banneeyay Saldhig kuyaalla Jubbada Hoose & xaaladda Caawa
Maanta ayaa Ciidanka ATMIS waxay ku wareejisay Saldhigga degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo noqonaya Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ATMIS-ta laga saaray. Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka ATMIS SRCC, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda...
Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed
Bakool ( Raxanreeb) Xuseen Madkeer Ismaaciil oo Mudo 4sano ah ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa Isku soo dhiibay Ciidamada Amniga Degmada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool. Xuseen Madkeer ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada wuxuuna usoo adkaysan waayay dhibaatooyinka faraha Badan Ee Al-Shabaab iyo Howlgalada Ciidamada Xooga Dalka. Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay...
Nin dil ka geystay degmada Guriceel oo Gacanta lagu dhigay
Laamaha amniga kala duwan iyo maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan Eedeysane Maxamed Cismaan Cabdiraxaan, oo degmada ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, talaadadii 25 bishan June, saacadda 2:30 AM. Eedeysane Maxamed Cismaan ayaa iska baxsaday goobtii uu dilka ku geystay....
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Aaska Jawaari
Muqdisho ( Raxanreeb) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya,...
Madaxweynaha Galmudug oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Wakiilka QM ee Soomaaliya
Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ee magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u tegay Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo la dagaalanka Khawqarijta, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka iyo howlaha ay hay’adaha qarramada...
Xiisad u dhaxeysa Beesha Ceyr oo ka taagan degmada Guriceel
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen macallin Maxamuud ayaa boggiisa X (Twitter) ku shaaciyay in hadda aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Xuseen Macallin waxa uu caddeeyay in wada-hadal kasta oo suuragal ah uu u baahan yahay Al-shabaab inay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo uu Madaxweynaha ku xira, oo...
Somaliland oo shaacisay weerar kaga soo wajahan Jabuuti iyo Laascaanood
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jabuuti iyo dowlada Soomaaliya ay maleegayaan qorshe lagu waxyeelaynayo Somaliland. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in markale la daadiyo dhiiga shacabka Somaliland, isla markaana la burburiyo nabadooda. “Waxa lagu tashaday in dalkeena laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988...
RW XAMSE oo Magacaabay Guddiga Aaska Jawaari
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:









