Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ee magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u tegay Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo la dagaalanka Khawqarijta, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.
Dhawaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha soomaaliya ayaa tegay Magaalada Kismaayo, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Waxaana la filayaa in uu tago degaannada kale ee Dowlad Goboleedyada qaarkooda.
Leave a Reply