Muqdisho ( Raxanreeb) Waxaa lagu wadaa in Maanra Aas Qaran Magaalada Muqdisho loogu sameeyo Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Marxuumka oo shalay ku geeriyooday Gurigiisa oo kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in Salaada Janaasada lagula dukado Masjidka Isbaheysiga Islaamka, isla markaana lagu Aaso Qabuuraha Sheekh...
Author: Mohamed Ibrahim (Mohamed Ibrahim)
Xuutiyiinta dalka Yemen oo weeraray markab kale
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaasoo sida ay sheegtay hey’ad arrimaha badaha ka shaqeeysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday. Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab...
Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Jawaari
Muqdisho ( raxanreeb) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha...
Mas’uuliyiin goordhow gaaray degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug
Mudug ( Raxanreeb) Wafdi ballaaran oo ka kala socday Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray goobihii shalay dirirtu ka dhacday, safarkaan ayaana ujeedadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa laba beelood. Wafdiga ayaana la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay iyagoona xooga saaray sidii loo joojin lahaa xabada iyo dhiiga daadanaya. Kulamo gooni gooni ah...
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wax wada-hadal ah lala galeen Al-Shabaab
Muqdisho ( Raxanreeb) La taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u socda dowladda Soomaaliya iyo AS. Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshaha madaxweynaha uu yahay mid cad oo leh sharuudo ay ka mid tahay in meesha ay ka saaraan xariirka AS kala dhaxeeya argagixisada caalamiga ah....
RW Xamse & Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay geerida Jawaari
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed...
Sarkaal katirsan Booliska Soomaliya oo lagu dilay Muqdisho
Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xaafad katirsan degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir inay ku dileen Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya. Sarkaalka Alle ha u naxariistee ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Muuse Xaahi Cumar , waxaana la sheegay in raggii dilka u geystay oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirskiisa...
Jubbaland oo shaacisay Go’aan dalka looga saarayo Al-Shabaab
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya xilligaan ay ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado...
Mareykanka oo ku dhawaaqay War ka farxiyay dowladda Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb) Mareykanka waxaa laga yaaba inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya , sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daaciish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Botswana. Wuxuu taliyaha intaas ku daray ;...
Wasiiro ku baxay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug
Mudug ( Raxanreeb) Kulan hordhac ah oo ay isugu yimiddeen masuuliyiin ka kala socday maamullada Galmudug iyo Puntland oo ay kala hogaaminayeen, Wasiirro kala socday labada maamul kuwaas oo kala ah Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wasiirka amniga Galmudug iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Shirka...