Laasacanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka furmaya shir ujeedkiisu uu yahay xaaladaha gobolada Soo , Sanaag iyo Cayn halkaas oo wali dagaalo ay ka dhacayaan. Shirkan waxaa ku baaqay ismida iyo waxgaradka goboladaas kuwaas oo sheegay in shirka uu ka daba socdo shirarkii hore ee looga hadlayay aayaha deegaanada SSC. Waxaa...
Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)
Jubbaland ma doonayso in ATMIS dalka ay ka baxaan.
Kismaayo (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa biloday qorshe Ciidanka Dowladda Soomaaliya si buuxda ay ugula wareegayaan goobaha ay banayeen ciidanka ATMIS. Goobaha ciidanka ATMIS la qoshaynayo in ay banayeen waxaa qayb ka ah Jubbaland halkaas oo ay ka howlgalaan ciidanka Kenya ee ATMIS. Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in xilliga aysan ku haboonayn in...
Al- SHABAAB oo weerar ku bilaabay goobihii ay baneeyeen Ciidanka ATMIS
Baardheere (Raxanreeb ) Weeraro kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Al- Shabaab saacadihii la soo dhaafay in ay ka gaysteen deegaano badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka ah. Kooxda ayaa si gaar ah u beegsatay saldhigyo dhawaan ay baneeyeen ciidanka ATMIS ee howlgalka midowga Afrika kaas oo qayb ka ah qorshaha dhimista ciidanka...
Booliska oo ka hadlay barta laga soo tuuray hoobiyaal qoys dhan ay ku geeriyoodeen
Muqdisho (Raxanreeb ) Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay hoobiyaashii saakay ku dhacay xaafado katirsan Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay. Waxa uu sheegay afhayeenka in hoobiyaasha saakay kusoo dhacay xaafado katirsan Muqdisho laga soo tuuray goof kuyaalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxa uuna...
GAROOWE : Halkee marayaan shirarka lagu dhamaynayo khilaafka jira ?
Garoowe (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Baarlamaan Puntland, Cabdiarshiid Yuusuf Jibriil ayaa booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo galinkii dambe ee shalay gaaray Garoowe. Islaan Bashiir, ayaa ka mid ah Isimmada Puntland ee dadaal ku bixinaya xal u helida khilaafka Dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo diiddan wax ka beddelka Dastuurka iyo in doorashada ay dib uga dhacdo...
MUQDISHO : Madaafiic lagu garaacay Madaxtooyad oo Khasaaro ka dhashay
Muqdisho (Raxanreeb ) Saakay salaadii subax tiro hoobiyaal ah lagu garaacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee kutaalla Muqdisho, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka magaalada Muqdisho oo badi hurdayay, halka kuwa kalana ku guda jireen dukashada salaada subax ayaa mar qura la maqlay dhawaqa tiro madaafiic ah. Khasaare isugu jira dhimasho...
DABAGAL -GAAS ‘’ Garoowe waxaan u nimid in aan jid u bixino khilaafka jira ‘’
Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxa ka soconaya shirar gaar gaar ah kuwaas oo u dhaxeeya masuuliyiin maanta gaartay Garoowe iyo hoggaanka dhaqanka. Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Garoowe ka degay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday madaxwaynaha Puntland iyo Ra’iisulwasaaraha dalka iyo Cumar Cabdirashiid oo isagana...
Dagaal ayaa socda SUDAN 2.2 milyan oo lagu qasbay in guryahooda ka qaxaan
Khartoum (Raxanreeb ) Dalka Sudan oo dagaalo ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa markale waxaa lagu soo waramayaa in rabashado kale ay ka dhacayaan magaalooyin ka mid ah dalkaas Dagaalka markale ka qarxay Suudan ayaa ah mid u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSF kuwaas oo ku sugan duleedka waqooyi ee magaalada caasimadda...
Cumar & Gaas oo Garoowe u tagay xalka Khilaafkii ka dhashay doorashada
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Raysalwasarihii hore ee Soomaaliyar Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe. Waxaa garoonka Garoowe ku soo dhaweeyey Xidhibaano federaalka ah iyo kuwo heer Puntland ah, waxaan ka dhex muuqan soo dhaweynta xukuumadda Puntland. Mas’uliyiin kala duwan, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada...
Ganacsade reer CADAADO ah oo askar ka tirsan DFS ay ku toogteen Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho lagu dilay ganacasade caanka ahaa gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Cadaado. Sida xogaha la helay ay tilmaamayaan ganacsadahan ayaa waxa toogtay askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Ganacsadahan la dilay maanta ayaa lagu magacaabi jiray AUN Sheikh Cabdullahi Cali Wehliye oo maalmahan ku sugnaa magaalada...









