Muqdisho (Raxanreeb ) Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay hoobiyaashii saakay ku dhacay xaafado katirsan Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay.
Waxa uu sheegay afhayeenka in hoobiyaasha saakay kusoo dhacay xaafado katirsan Muqdisho laga soo tuuray goof kuyaalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxa uuna xusay in ciidamada soo xireen qof ay ku tuhmayaan in uu lu lug lahaa weerarkaasi.
‘’Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04-July-2023, abaaro 05:00am, ayaa Kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, waxay Gantaalo macmal ah oo ay soo tuureen, waxaa ay ku dhaceen guryo ay dad shacab ah daganayeen oo ku yaala Deg/Waaberi, Falkaas Argagixsadu sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabe iyo labadiisa caruur ah waxaana ku dhaawacmay Hooyadii Qoyska & 2 Caruur ah oo ay dhaleen.
Waxaa ilaahay u waydiinaynaa inuu u naxariisto dadkii ku dhibtay, caafiyana kuwa ku dhaawacmay. ‘’ ayaa yiri Afhayeenka
Afhayeenka ayaa sheegay in hoobiyaasha saakay kusoo dhacay magaalada Muqdisho midkood uu sababay in ay ku geeriyoodaan aabbe iyo labo carruur ah uu dhalay oo deganaa Waabari, halka hooyada qoyskaasi iyo carruur kale ku dhaawacmeen.
Waxaa Ciidamada Amaanku gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysanyahay inu ku luglahaa falkaas, waxaana socota baaris arrinta la xariirta.
Leave a Reply