Baydhabo ( Raxanreeb ) Ciidanka xoogga dalka qaybta 60aad ayaa galabta faruujiyay deegaanka Daynuunay oo 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Deegaanka waxaa la wareegay kooxda Al- Shabaab , ka dib dagaal saacado badan qaatay oo halkaas ku dhaxmaray kooxda & ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goor sii horeysay oo galabta ah ayaa...
Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)
Qoorqoor ” way sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab” .
Dhuusmareeb(Raxanreeb)Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al- Shabaab. Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa soo kormeeray xaaladda guud...
Axmed Macallin Fiqi “Qorshaha xasilinta waa mid muhiim u ah la dagaallanka Al-Shabaab”.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Axmed Macallim Fiqi, wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiisiinta ayaa maanta ku daahfurtay caasimadda Muqdisho shirka xasillinta xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada: Munaasabaddan oo aheyd mid heer sare ah ayaa waxaa kasoo qeyb gelay hoggaanka dowladda federaalka ah, qaar ka tirsan golaha wasiirrada XFS, dowlad goboleedyada iyo gobolka...
XFS Oo Meel Marisay Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka
Muqdisho ( Raxanreeb ) Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda. Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka...
Warsaxafadeeed : Dowladda oo sheegtay in ay dishay 40- Al Shabaab.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe. HOOS KA AKHRISO.
Jaadkii ka imaan jiray Kenya iyo Itoobiya oo ku Xayiran Muqdisho.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Muddo saacado ah waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku xayiran jaadka ka yimaada Kenya iyo Itoobiya. Dowladdu waxay kusoo rogtay Canshuur xad dhaaf ah, waxaana loo sheegay Ganacsatadda in la miisaamayo oo Culeyska lacagta uu kusii badanayo, Iyagoo diiddan arrintaas ayey ganacsatada sameeyeen gadood. Wixii warar ah ee ku soo kordha...
Kooxda Al- Shabaab oo lagala wareegay Degmada Ruun-nirgood.
Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda ayaa Sakaay Dagaal la,aan la wareegay Degmada Ruunood-good ee Gobolka Shabeellada dhexe. Degamadaan ayaa la wariyay in Xalay Habeen-barkii ay iskaga baxeen Dagaalamayaashii Al shabaab ee Sanadaha badan maamulayay halkaasi. Warar hadda soo baxaya ayaa tibaaxaya in Deegaan lagu Magacaabo Huur-weyne oo Duuleedka Degmada Ruunood-good dhaca uu ka soconayo...
FAALLO : MD Xasan Sheekh Mahad Salaad miyuu “Dhabarka” aadiyay?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Shaki badan ayaa ku gadaaman sida kooxda Al – Shabaab ugu fududaatay in weeraro joogta ah ay ka gaystaan meelo muhiim ah oo caasimadda ah. Shakiga ugu badan ayaa Hay’ adaha amaanka ee Dowladda Federaalka – hareeyay ka dib markii kooxda Al- Shabaab inta si fudud ay ku galeen Hotelka Villa...
Dagaal tan & xalay ka socda deegaano ka mid ah Sh.Dhexe
Jowhar ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in tan iyo xalay uu halkaas ka soconayay dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab. Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka soconayo deeganka Huurwayn oo galbeed ka xiga Deegaanka Nuur- dugle ee Shabeellaha Dhexe...
Urur Goboleedka IGAD oo taageeray codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Adis Ababa ( Raxanreeb ) Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran. Wasiir Abshir Cumar Jaamac...
