Axmed Macallin Fiqi “Qorshaha xasilinta waa mid muhiim u ah la dagaallanka Al-Shabaab”.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Axmed Macallim Fiqi, wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiisiinta ayaa maanta ku daahfurtay caasimadda Muqdisho shirka xasillinta xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada:

Munaasabaddan oo aheyd mid heer sare ah ayaa waxaa kasoo qeyb gelay hoggaanka dowladda federaalka ah, qaar ka tirsan golaha wasiirrada XFS, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, safiirro shisheeye iyo deeqbixiyeyaasha.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ugu horreyn ka hadlay madasha ayaa ka sheekeeyey istaraatiijiyadda xasillinta isaga oo yiri “Istaraatiijiyadda aan daahfureyno ee xasillinta waxaa ay muhiim u tahay howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha argigixisada, waxaa ay ahmiyad iska saareysaa bedqabka dadka iyo adeegyada dadka u baahan yihiin, istaraatiijiyaddan waana mid loo dhan yahay, oo ay qeyb ka yihiin dhammaan heerarka dowladda.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo sii hadlaya ayaa waxaa uu ku daray “ Istataatiijiyaddan waxaa ay bidhaamineysaa isku xirka howlaha, mid heer federaal oo ay wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud ka tahay iyo mid heer dowlad goboleedyada, iyada dowladda federaalka lahaanshaha dadaallada xasillinta, si dowladda ugu adeegto”.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac oo isna goobta ka hadlaya ayaa ka hadlay barnaamijka xasillinta iyo arrimo kale waxaa uuna yiri “ Marka Shabaab laga xoreeyo, waa in ay daba socotaa xasillinta, kana wada shaqeeyaan dhammaan wasaaradaha sida wasaaradda arrimaha gudaha, dhalinyarada, cadaaladda, biyaha, waxbarashada iyo qaar kale.
“ Istaraatiijiyadda xasillinta waa daba socota shaqada xasillinta, waxaana hormuud ka ah wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, waaba in dadka ay daacad u noqdaan dowladnimada, waa in fikirka dowladda, shacabkaba noqdaan in dalka laga saaro Shabaab” ayuu  intaa ku daray.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa khudbaddiisa kusoo gabagabeeyey “Waxaan ugu mahadcelinayaa wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo kaalin hormuud ah ku leh shaqada xasillinta, waxaan kale oo aan u mahadcelinayaa wasaaradaha kale oo arrintan gacan ka geysan doona”.


Xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya, wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shirka xasillinta xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada soo hordhigay warbixinno kala duwan oo ka hadlaya xorreynta dalka ka socota, arrimaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee hortabinta leh ee ay ka qaban doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah.

Cabdi Daahir Guure (Karoore) wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle, oo ku hadlay afka maamul goboleedyada: Waxaa meel fiican maraya gacanta ay dowladda siineyso maamul goboleedyada, oo xorreynta meelo badan oo dalka ah ayey ka socotaa, iskaashiga ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka waa mid fiican, kalsooni ayaan ku qabnaa in ay sii socon doonaan. Shabaab Soomaaliya waa laga qaaday, Hirshabelle saldhig ayey u aheyd kacdoonka gaar ahaan Matabaan iyo Maxaas.

Shirka xasillinta xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada waxaa iyagana ka hadlay saraakiil ka duwan oo ka socotay saxiibada Soomaaliya iyo deeqbixiyeyaasha sida ergada qaramada midoobey ee Soomaaliya, ATMIS, ururka iskaashiga islaamka, midowga Yurub, safaaradaha Uganda, Mareykanka, Norway, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Mas’uuliyiintan ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay  taageerayaada daallada socda ee xorreynta iyo barnaamijka istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta, hawlaha socda iyo guud ahaan hannaanka ay hormuudka ka tahay Soomaaliya.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac oo soo xiray shirka xasillinta xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada: Dadka leh dagaalka looma diyaarsana, waa dad yar, halgankan rag iyo dumar ka qeyb galeen mugdi ma geli doono, garab ayeynu dalbaneynaa ee gurmad dalbameyno. Mas’uuliyiinta oo wada socda ayaa halganka ku jira, beesha caalamkana waa ay na taageerayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.