Al- Shabaab oo la wareegtay duleedka Baydhabo & cabsi ka jirta caawa Baydhabo.

Baydhabo ( Raxanreeb ) Ciidanka xoogga dalka qaybta 60aad ayaa galabta faruujiyay deegaanka Daynuunay oo 30 KM u jira  magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Deegaanka waxaa la wareegay kooxda Al- Shabaab , ka dib dagaal saacado badan qaatay oo halkaas ku dhaxmaray kooxda & ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goor sii horeysay oo galabta ah ayaa ciidanka faarujiyay deeganaka Daynuunaay waxa ay soo gareen magaalada Baydhabo .

Dhaqdhaaqa magaalada Baydhabo ayaa caawa laga dareemay ciidanka soo gaaray gudaha magaalada .

Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la keenay dhawr askari oo ku dhaawacmay dagaalka ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab ku dhaxmaray galabta deegaanka Daynuunaay.

Deegaanka weerarka uu ka dhacay ayaa in muddo ah waxa uu fariisin u ahaa ciidanka Dowladda Federaalka.

Saraakiisha Dowladda Federaalka wali wax war ah ma aysan ka soo saarin ka faarujinta ciidanka ee deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Hanad Ali Guled.

RBC , Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.