Kooxda Al- Shabaab oo lagala wareegay Degmada Ruun-nirgood.

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda ayaa Sakaay Dagaal la,aan la wareegay Degmada Ruunood-good ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Degamadaan ayaa la wariyay in Xalay Habeen-barkii ay iskaga baxeen Dagaalamayaashii Al shabaab ee Sanadaha badan maamulayay halkaasi.

Warar hadda soo baxaya ayaa tibaaxaya in Deegaan lagu Magacaabo Huur-weyne oo Duuleedka Degmada Ruunood-good dhaca uu ka soconayo Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Dadka Deegaanka ayaa warinaya in Hubka Nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo ayana labada dhinac soo gaarayaan Gurmad.

Lama oga qasaaraha ka dhashay Dagaalka socda maadaama Xaaladdu tahay mid adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.