Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlayo gudaha, inkastoo ay si guud u deggan tahay xaaladda.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Dowladda Jabuuti oo beenisay inay lug ku leedahay hurinta dagaalka Laascaanood
Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood, islamarkaana aysan cidna la safan.
Ciidamada Ruushka oo kaabiga u saaran magaalada Bakhmut ee Ukraine
Ciidamada Ruushka ayaa ku soo siqaya dhanka magaalada Bakhmut ee Ukraine oo ay haatan dhul ku dhaw gacanta ku dhigeen.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laascaanood oo saakay mar kale dagaal ka qarxay
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo galay maalintii 8-aad, ayadoona uu kordhay khasaaraha.
Dowladda Burundi oo koox samatabixiyaal ah u dirtay Turkiga
In ka badan 28,000 oo qof ayaa ku dhintay Turkiga iyo Suuriya kadib dhulgariirkii Isniintii ku dhuftay dalalkaas. Kooxdaan Burundi u dirtay Turkiga marka ay gaaraan dalkaasi waxaa la geyn doonaa meelaha baahid ugu badan ay ka jirto marka ay timaado in la caawiyo dadka dhibaateysan.
Dhimashada dhul-gariirkii Turkiga iyo Suuriya oo dhaaftay 28,000
Samatabbixiyeyaasha ayaa Axadda maanta ah burburka dhismayaasha ka soo hoos bixiyay ilmo yar oo toddobo bilood jir ah iyo gabar dhowr iyo toban jir ah, waana ku dhowaad toddobo maalmood kadib markii uu dhul-gariir xooggan ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 28,000.
Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo saldhig istaraatiiji ah kala wareegay Al-Shabaab
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbaland, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha ciidanka huwanta.
Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq
Somaliland ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeysay in ay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo horey marar badan ay ugu dagaallameen iyaga iyo Puntland.
Thiago Silva oo hal sano ku kordhiyay heshiiska uu kula joogo Chelsea
Daafaca 38 jirka ah ee kooxda Chelsea Thiago Silva ayaa saxiixay heshiis hal sano ah oo uu ku sii joogi doono galbeedka London ilaa xagaaga 2024, sida ay sheegtay Jimcihii kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League-ga ee Chelsea.
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla Jubbada Hoose
Faah faahino dheeraad ah, oo laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii hore xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah xero ciidan oo ku taalla duleedka Afmadow ee gobolkaasi.

