Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq

Hargeysa (Raxanreeb) — Somaliland ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeysay in ay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo horey marar badan ay ugu dagaallameen iyaga iyo Puntland.

Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho balse tahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo “cadow ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaaliland” oo ay ugu horreeyaan bey tiri “kooxaha argagixisada ahi.”

“Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Somaliland.

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in ay wali ka go’antahay dhaqangelinta go’aankeedii ahaa xabbad-joojinta aan shuruudda lahayn, waxayna dhinaca kale ee dagaalka kula jira ku eedeysay in uusan “diyaar u ahayn xabbad-joojin si buuxda uga dhaqangasho magaalada Laascaanood.”